HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Caawa Shacabka Reer Hargeysa Suuqa kula Casheeyey iyo...

Madaxweyne Siilaanyo oo Caawa Shacabka Reer Hargeysa Suuqa kula Casheeyey iyo goobo uu booqasho ku tagay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa isagoo aan wax ilaalo ahi wehelin booqasho ku tagay Huteelka Summer-time ee caasimadda Hargeysa, halkaasi oo dadweynihii ku cawaynayay ay si weyn ugu soo dhaweeyeen.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inay la socotay marwada koowaad Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris) iyo caruurr uu awoow u yahay.

siilaanyoWarku intaas ku daray in madaxweynuhu uu ka casheeyay oo uu muddo fadhiyay huteelkaasi, iyadoo dadkii halkaasi kula kulmayna ay si niyadsami ah ugu soo dhaweeyeen kuna bogaadiyeen in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu madaxdii kale ee qaranka dheeraaday inuu habeenkii lagu arko goobaha bulshadu iskugu timaado, si uu uga war helo xaaladda dadka iyo mustawaha nabad-gelyo ee dalku gaadh siisan yahay.

Sidoo kale waxa la sheegay in madaxweynaha Somaliland uu markii uu ka baxay Huteelkaasi uu booqday garoon kubbadeed oo habeen iyo maalin dhalinyaradu ku ciyaarto oo doog lagu beeray oo uu leeyahay Xasan Waraabe Cadde oo ka mid ah qurbojoogga Somaliland, halkaas uu kula kulmay dhalinyaro ku dheelaysa Kubadda Cagta.

Madaxweynaha, ayaa markii uu Garoonka ka soo laabtay dib ugu Noqday Xarunta Madaxtooyada.

Maaha markii ugu horreysay ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sidan oo kale Suuqyada Caasimadda iyo goobaha Bulshadu ku kulmaan xilli habeen ah loogu arko isagoo booqanaya, hase-yeeshee marar kala duwan oo hore ayuu wakhti habeennimo ah sidan oo kale booqasho aan cidi sii ogeyn, ciidammo hubaysanina ku wehelin ugu maray goobo kala duwan oo Suuqyada Caasimadda ah oo ay dadku ku dhex-arkeen isagoo dhex mushaaxaya goobo Huteellada laga cunteeyo ah iyo Meheradaha Suuqyada ee laga tukaamaysto sida Super Market-yada iyo kuwa la midka ah.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories