HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Buuxiyey Boosas ka bannaanaa Xukuumaddiisa, qaar kalena xilka ka...

Madaxweyne Siilaanyo oo Buuxiyey Boosas ka bannaanaa Xukuumaddiisa, qaar kalena xilka ka qaaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto madaxweyne oo uu maanta soo saaray ku magacaabay Boosas ka bannaanaa xukuumaddiisa, qaar uu xilka ka qaaday, halka uu qaar kalena u beddelay hay’ado cusub.

blank
Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu buuxiyey jagooyin ka bannaanaa agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha dawladda qaarkeed isaga oo Masuuliyiin cusub u magacaabay Wasaarado dhowr ah halka agaasimayaal Guud oo xukuumadda ka tirsan uu u beddelay uu u beddelay wasaarado kale. Madaxweynuhu waxa uu Agaasimihii Guud ee Wasaarada Warfaafinta Faysal Cali Sheekh u beddelay Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland. Waxa kale oo madaxweynuhu xil ka-qaadis ku sameeyey Mareeyihii hore ee xidhiidhinta Raashinka WFP isaga oo u magacaabay masuul cusub.

Sidaa waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland Md. Cabdilaahi Daahir Cukuse, kaas oo isaga oo dhammeystiran u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1158/062012, ku magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha kala ah:-

Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu magacaabay, Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP, halka Maareeyihii Hore ee Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP, Mudane, Axmed Xasan Nuur uu xilkii ka qaaday Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:             Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka

Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Tixgeliyey:      Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin

dhismaha Qaranka.

 Markuu Arkay:          In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud iyo

Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP JSL.

 Markuu La Tashaday:      Madaxda ay khusayso.

 Markuu Ku Qancay:         In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihin jagooyinkan;

Wuxuu go’aansaday

 In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahadaan Agaasimeyaasha  Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Diinta iyo Awqaafta, Maaliyadda, Warfaafinta iyo Wacyigelinta iyo Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP.

NO

MAGAC-YADA MASUULIYIINTA CUSUB

WASAARADDA LOO MAGACAABAY

XILKA LOO MAGACAABAY

1 Faysal Cali Sheekh Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Agaasime Guud
2 Axmed Cumar Faahiye Wasaaradda Arrimaha Gudaha Agaasime Guud
3 Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Agaasime Guud
4 Saleebaan Jaamac Diiriye Wasaaradda Maaliyadda Agaasime Guud
5 Cabdirashiid Jibriil Yoonis Warfaafinta iyo Wacyigelinta Agaasime Guud
6 Mudane, Maxamed Daahir Axmed Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP Maareeye

Ujeedo: Xilka Qaadis:-

Mudane,

Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Hay’adda XidhiidhintaRaashinka ee WFP (Food Coordination Agency).

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Daahir Axmed, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.”

 SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories