HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Bulshada ku Booriyey inay Meel uga soo jeestaan Dadka...

Madaxweyne Siilaanyo oo Bulshada ku Booriyey inay Meel uga soo jeestaan Dadka Caqabadda ku ah Horumarka Dalka iyo Xukuumaddiisa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa mar kale kaga dhawaajiyey inay xukuumaddiisu diyaar u tahay fulinta masuuliyadda Qaran ee Shacabku u igmadeen isla markaana ay sii xoojinayaan wax-qabadyada adeegyada aasaasiga ah ee baahiyaadka bulshada.

Md Axmed Siilaanyo waxa uu shacbiga ugu baaqay in meel looga soo wada-jeesto ilaalinta nabad-gelyada iyo shakhsiyaad aanu carrabaabin oo uu sheegay inaanay ogolayn tallaabooyinka horusocod ah ee dalku hiigsanayo.

Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka hadlayey munaasibad uu xadhigga kaga jaray dib-u-casriyeyn lagu sameeyey madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, waxa uu sheegay in dimuqraadiyadda dalka ka jirtaa horseed u tahay horumarka dalka.

MADAXWEYNE SIILAANYO“Waxay Ummaddu masuuliyadda Qaranka noogu dhiibatay inaanu horumarino dhinackasta oo ay tahay iyo weji kasta oo ay leedahay wixii nolosha dadwaynaha saamaynaya. Dalkeenu inta badan waa dalkaas dimuqraadiga ah ee doorashada leh, waana dadkaas wax qabsanaya,  waa dadkaas is dhaliilaya, markaa haddaanu nahay xukuumadda waxaan ku jeedinayaa Caafimaadka, waxbaarashada, waddooyinka iyo wejikasta oo horumarinta qaranku u baahan yahay inaanu halkaas ka sii wadno,” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo

Madaxweynuhu waxa u baaq u diray shacabka, “Waxa inoo ballan ah Qaran ahaan iyo Ummadd ahaan inaynu meel ka soo wada jeesano. Inta gacanta iyo lugta ina jiidaysa ee aan ogolayn inaynu hore u talaabsano, waa inaynu meel uga soo wada jeesanaa oo aynu nabadda ilaalinaa,” ayuu yidhi.

Md Siilaanyo waxa uu ballan-qaaday, “Waxa halkan laga sheegay waxyaabaha ay qabatay Dawlada Somaliland kuwii ka horeeyay iyo kuwii ka danbeeyay. Waxaanu qabanay ugu danbaynmayaan kuwani,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa raaciyey.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories