HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Beesha Caalamka u oggol inay kala hadlaan Qodobbo Xaasaasi...

Madaxweyne Siilaanyo oo Beesha Caalamka u oggol inay kala hadlaan Qodobbo Xaasaasi ah oo uu ka dhegaysan waayey Mucaaradka iyo Dadka Saluugsan Hoggaamintiisa

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa iska fogeeyey dhaliilo Beesha Caalamku xukuumaddiisa ugu jeediyaan meel-ka-dhac iyo ku-tumasho ay ku hayso xoriyatul-qawlka iyo madax-bannaanida Saxaafadda Dalka, wakhti ay Xayiran yihiin Xarumo warbaabineed oo xukuumaddiisu Alabaabada u laabtay.

Madaxweynaha Somaliland
Madaxweynaha Somaliland

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inuu tix-gelinayo isla markaana dhegaysanayo soo-jeedimaha iyo dhaliilaha beesha caalamku ka sheegaan hab-dhaqanka xukuumaddiisa, haseyeeshee waxa uu ku margaday xarumaha warbaahineed ee xayiran oo ku dooday inay sabab u tahay wax ay iyagu isu-geysteen.

Md Axmed Siilaanyo oo maanta war-fidiyeennada kula hadlayey garoonka diyaarada Hargeysa ka hor socdaal ay dibadda ugu baxeen isaga iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa, ayaa markii uu ka hadlay ujeeddada socdaalkiisa ka dib, waxa war-fidiyeennada fursad loo siiyey su’aalo ay madaxweynaha ka weydiiyey Arrimo khuseeya Hab-dhaqanka Xukuumaddiisa ee ku aaddan xorriyatul-qawlka, Nidaamka Maamul ee uu dalka ku hoggaamiyo, kalsooni-darrada dawladda Ingiriisku ka qabto Ammaanka dalka, sababta ay masuuliyiinta xukuumaddiisa u faaruqiyaan xafiisyada xilliyada uu madaxweynuhu dalka ka baxayo ama uu ku soo guryo noqdo iyo Arrimo kale.

Ugu horeyn madaxweynaha Siilaanyo oo la weydiiyey sida uu u arko Xadhigga Suxufyiinta iyo la-dagaalanka Xorriyatul-qawlka oo beesha Caalamku xukuumaddiisa ku dhaliisho, waxa uu ku jawaabay oo yidhi, “Haddaan u arko Inaan ku tuntay Xuquuqda Saxaafadda, lama xidheen. Haddii la xidhay Maxkamadaa xidhay, waxa lagu xidhay bay qabaan.”

Madaxweynaha oo hadalkii watay, waxa uu intaas ku daray, “Laakiin mar walba waxaanu diyaar u nahay inaanu tix-gelinno waxa ay Dunidu naga sheegayso, wixii kale ee cadaalad ku jirto inaanu fulino diyaar baanu u nahay.”

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka hadlay hab-dhaqanka masuuliyiinta Xukuumaddiisa ee xilliyada uu safarrada ugu baxo dibadda iyo wakhtiyada uu dalka ku soo laabanayo oo soo dhawayntiisa ama sii-sagootintiisa loo faaruqiyo xafiiska hay’adaha dawladda.

Madaxweynaha oo arrintan su’aal laga weydiiyey, waxa uu qiray inay jiraan godaloolooyin maamul oo xukuumaddiisa ku gedaaman, haseyeeshee waxa uu ku dooday inay jiraan dhaliilo laga bad-badiyey oo aan maamulkiisa qaban in lagu sheego. “Ama halaga cawdo ama yaan laga caban, laakiin qaranku wuu socdaa, xafiisyadu way shaqaynayaan. Dhaliil la waayi maayo, dhaliilo waa jirayaan, mid run ah iyo been ah iyo mid layska sheegaba, waana caadi dawlad aan laga sheeginba ma jirto,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo wakhtigiiu u mucaaradka ahaa ballan-qaadi jiray inuu tixgelin gaar ah siinayo talooyinka iyo dhaliilaha laga tilmaamo xukuumaddiisa, ayaan inta badan si khaldan ama weedho uu isaga difaacayo godaloolooyinka maamul ee xukuumaddiisa kaga daree-celiya dhaliilaha ay Axsaabta mucaaradka ahi ku dhaliilaaan hoggaamintiisa. laga sheego xukuumadiisa

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories