HomeMadaxweyne Siilaanyo oo beesha Caalamka Baaq u Jeediyey, go’aankii Golaha Deegaanka Sheffield-na...

Madaxweyne Siilaanyo oo beesha Caalamka Baaq u Jeediyey, go’aankii Golaha Deegaanka Sheffield-na ku tilmaamay bar-bilowga Aqoonsiga Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa go’aanka geesinimo leh oo bar-bilow u ah Aqoonsi Somaliland hesho ku tilmaamay tallaabadii golaha deegaanka magaalada Sheffield ee dalka Ingiriisku ku taageereen qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland.

DSC_0094Madaxweyne Siilaanyo oo maanta khudbad qiime leh ka jeediyey dabbaal-degga munaasibadda 18-ka May ee maalinta madax-bannaanida Somaliland, waxa uu golaha deegaanka iyo jaaliyadda Somaliland ee magaalada Sheffield ku bogaadiyey tallaabada wax ku-oolka ah ee ay ku taageereen qadiyadda Somaliland, taas oo ku tilmaamay inay dhiirri-gelinayso inay beesha caalamka ka badheedho Aqoonsiga Somaliland.

“Waxaan u mahad-naqayaa xildhibaannada Sheffield Council oo Somaliland garab istaagay isla markaana aqoonsaday madaxbannaanida Jamuuriyadda Somaliland. Waa bilow horseed u noqonaya helidda aqoonsi caalami ah. Waxaan iyana la ilaawi karin   jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Sheffield iyo guud ahaan dalka UK oo gacan wayn hawshaas ka gaystay. Hore ayaa loo yidhi kun talaabo waxay ka bilaabmaan hal talaabo ee waxaa inaga reeban nugayl iyo niyad jab,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynuhu wax auu dhinaca kale baaq u diray beesha Caalamka oo uu u jeediyey inay tixgeliso rabitaanka iyo go’aanka ay shacabka Somaliland aaya-hooda kaga tasheen, isaga oo dhinaca kale ballan-qaaday inay xukuumaddiisu sii xoojinaysa xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya dalalka deriska si loogu guulaysto ilaalinta xasiloonida mandaqadda Geeska Afrika.

“Waxaan ugu baaqayaa waddamada beesha caalamka inta xidhiidhka wada shaqayntu innaga dhaxeeyo iyo inta kaleba in ay tixgeliyaan, isla markaana taageeraan go’aanka iyo aayo ka tashiga shacbiga Somaliland, xaq u leeyahay,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland oo la hadlayey beesha caalamka.

Madaxweynuhu waxa uu ballan-qaaday inuu xoojinayo xidhiidha dalalka deriska ah, waxaanu yidhi, “Xukumadaydu waxay sii xoojinaysaa wada shaqaynta iyo iskaashiga dalalka deriska ah, si gobolka Geeska Afrika u noqdo mandiqad nabad-gelyo ah, taas oo ay shucuubtoodu isu soo hiloobaan kana faa’iideystaan fursadaha is weydaarsiga ganacsi iyo aqooneed. Waxaan mahadnaq iyo bogaadin u dirayaa dalalka nagala shaqeeya dimuqraadiyadda, nabadgelyada iyo iskaashiga dhaqaale.”

Waxa kale oo Md Siilaanyo baaq u jeediyey shacabka Somaliland, waxaanu hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaan shacbigayga ku dhiiri gelinayaa in ay dhexda marada ku xidhaan siina laban laaban dedaalka ku aaddan ka midho dhalinta qadiyadda aayo ka tashigeena. Waan hubaa in aynu heli doono ictiraaf caalami ah, balse waxaa la inooga baahan yahay dedaal iyo in aynu gacmaha is qabsano,” ayuu yidhi Md Axmed Siilaanyo.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories