HomeMadaxweyne Siilaanyo oo ballan-qaaday Sixitaanka Cabashooyin ka soo baxay Bixintii Derejooyinka Ciidamada

Madaxweyne Siilaanyo oo ballan-qaaday Sixitaanka Cabashooyin ka soo baxay Bixintii Derejooyinka Ciidamada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horeysay ka hadlay cabashooyin ka dhashay derejooyinka Ciidamada kala duwan ee dalka oo xukuumaddiisu sannadkii hore u qaybisay ciidamada, waxaanu ballan-qaaday inay sida ugu dhaqsa badan waxa uga qaban-doonaan cabashooyin uu sheegay inay ka soo baxeen derejooyinka.

DSC_0207Madaxweynaha Somaliland, waxa uu sheegay inay cabashooyin ka soo baxeen derejooyinka lagu taxay Ciidamada Dalka oo boolisku ka mid yahay, waxaanu ballan-qaaday sixitaan lagu sameeyo qaladaad jira oo cabashooyinka uu xusay sababay.

Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta ka qayb-galay Xaflad loo sameeyey Xuska sannad-guurada 21aad ee ka soo wareegtay markii la aasasay Ciidanka Booliska Somaliland oo ku beegnayd sannadkii 1993-kii, waxa uu ugu horeyn xusay muhiimadda Ciidanka boolisku u leeyihiin ilaalinta amniga iyo xasiloonida dalka oo madaxweynuhu ku ammaanay doorka ay ku leeyihiin dhismaha dalka.

“Ciidanka Boolisku waa ciidamada ay ku fadhido nabadgelyada oo ah waxa ugu muhiimsan ee dal laga hirgelin karo. Dalku haddaanu nabadgelyo haysan oo ciidamo boolis ah oo wax-qabta oo feejigan oo habeen iyo maalinba u soo jeeda, dalkaasi xasili maayo, degina maayo. Markaa waxaan hambalyo ballaadhan u dirayaa meel ay joogaanba ciidamada booliiska iyo xaasaskooda,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo cabashooyinka derejooyinka ka soo baxay ciidamada ee uu xusay noqonayso markii u horeysay ee uu ka hadlo, waxa uu yidhi, “Cabashooyinbaa ka yimi derejooyinkii aanu bixinnay, waxaanu leenahay cabashooyinkaasna waanu sixi doonnaa, sida ugu dhakhsaha badan ayaanu wax uga qaban doonnaa oo waanu sixi doonnaa.”

“Waxaan doonayaa inaan mar labaad u hambalyeeyo ciidanka booliska oo aan u sheego inaanu faraxsannahay, ku faanayno waxtarka ay qaranka iyo umadda u leeyihiin,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories