HomeMadaxweyne Siilaanyo oo ballan-qaaday inay Xukuumaddiisu kaalin laxaad leh ka geysanayso...

Madaxweyne Siilaanyo oo ballan-qaaday inay Xukuumaddiisu kaalin laxaad leh ka geysanayso Dhismaha Jidka Baligubadle/Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

BALIGUBADLE (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta xadhigga wejiga kowaad ee dhismaha Jid Laami ah oo Isku-xidhaya magaalooyinka Hargeysa iyo Baligubadle, kaas oo la dhammaystiray 5-KM oo ka mid ah waddadan oo madaxweynuhu hore u dhagax-dhigay.

DSC_0656Jidka Baligubadle ilaa Hargeysa oo masaafo ahaan dhan 60KM, taas oo kharashka ku baxaya hawsha dhismaheeda inteeda badan ay iska kaashadeen bulshada deegaanka, ayaa madaxweynuhu xadhigga ka jaray wejigeeda koowaad oo dhan 5KM, waxaanu halkaas ka ballan-qaaday inay xukuumaddu qayb laxaad leh ka qaadan doonto dhammaystirkeeda.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirrada, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Xildhibaanno, Madax-dhaqameed iyo dadweyne tiro badan oo ka qayb-galay xaflad loo sameeyey xadhig-ka-jarista wejiga koowaad, waxa uu tilmaamay doorkii magaalada Baligubadle oo ah taariikh ah qayb laxaad leh ka soo qaadatay halgankii hubaysnaa ee dalka lagu xoreeyey iyo sida ay u mudan tahay inay sed-bursiimo u hesho dedaallada horumarineed ee dalka ka socda.

“Farxad weynbay ii tahay inaan ka soo qayb-gali xafladdan, Waddada aynu ka hadlayno ee Baligudbadle waa mid taariikhi ah; Baligubadle taariikh weynbay ku leedahay halgankii Somaliland, waa meeshii aanu fadhiyi jirnay, waa meeshii halganka laga maamuli jiray, waxaanan hubaa inay maantana dhismaha dalka iyo horumarintiisa gacan weyn ay ka qaadanayaan,” sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Haddaanu nahay dawladda Somaliland, waxaanu mar walba diyaar u nahay, inaanu umadda kala qayb-galno oo shacbiga ku dhiirri-gelino inaanu la qabanno, hadday horumarinta waddooyinka tahay, hadday horumarinta tacliinta tahay, hadday horumarinta caafimaadka tahay iyo hadday horumarinta siyaasadda tahayba. Markaa walaalayaal, waxaanu caddaynaynaa oo ballan-qaadaynaa inaanu waddadaas ka qayb-galayno dhismaheeda sidii aanu ballan-qaadnay, gacan-weynna ka geysan doono.”

“Markaa dawladda Somaliland diyaar bay u tahay tallaabo kasta oo umaddu hore ugu marayso, is-gaadhsiinta iyo isku-xidhka umadda, taasay dawlad ugu tahay oo madax ugu tahay oo aanu dhiirrigelinaynaa. Markaa aanu wada-shaqayno oo aynumeel u soo wada-jeesanno,” sidaas ayuu yidhi Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, Madax-dhaqameed, maamulka gobolka iyo degmada Baligudbadka, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada iyo is-kaashi maamul ahaan iyo dadweyne ahaanba looga baahan yahay.

DAAWO SAWIRRADA

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories