HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Afar Sanno iyo Dheeraad ka dib, Kalsooni iyo Aaminaad...

Madaxweyne Siilaanyo oo Afar Sanno iyo Dheeraad ka dib, Kalsooni iyo Aaminaad ka dalbaday Shacabka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

“Waxaanu nahay umad doorasho ku timi, waxaanu ku nimi qaab-doorasho oo sharci ah, qaab-sharci ahna waanu kaga baxaynaa Insha Allah, intaas ka horeysana waxaanu u shaqaynaynaa waa umaddii iyo dalkii,”

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacabka Somaliland ka dalbaday inay kalsooni siiyaan isla markaana ay aaminaan xukuumaddiisa oo uu sheegay inay ka go’an tahay ka midho-dhalinyata waajibaadka iyo karaamada shacabku kalsoonidu ku siiyaan xilligii uu doorashada madaxtinimada dalka ku guulaystay afar sanno iyo dheeraad ka hor.

Madaxweynaha Somaliland
Madaxweynaha Somaliland

Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta ka hadlayey munaasibad uu xadhigga kaga jaray 5=KM oo ka mid ah dhismaha Waddada CAD oo magaalada Hargeysa ku xidhay degmada Sallaxley, waxa uu sheegay inay xukuumaddiisu kalsooni iyo aaminaad ku qabto shacabka Somaliland, balse waxa uu ka codsaday inay ka hortagaan cid kasta oo khal-khal gelinaysa xasiloonida iyo Ammaanka dalka.

Madaxweynuhu waxa uu ku faanay inay xukuumaddiisu muddadii xilka ay haysay ku tallaabsatay wax-qabad la taaban karo oo saamayn ku yeeshay dhammaan adeegyada bulshada, isaga oo ku adkaystay inay ka go’an tahay sii-ambaqaadka dedaallo maamul ahaan ay ugu jiaan horumarinta adeegyada Aasaasiga ah ee bulshada.

Md Siilaanyo oo daba-socday eedaymo mucaaradku ugu jeediyaan muddo-kordhin xukuumaddiisu ku baajinayso doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee ku muddeysan badhtamaha sannadka dambe, waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan talada iyo hoggaaminta dalka ku wareegayaan sifo sharci ah oo la mid ah qaabkii loogu aaminay ee loogu doortay inuu madaxweyne ka noqdo dalka.

“Nabadgelyadu dalku waa wax muhiim u ah horumarka dalka, haddii aynaan wada-jir ku shaqaynin oo umaddu meel is-wada taagin. Waxaanu nahay umad doorasho ku timi, waxaanu ku nimi qaab-doorasho oo sharci ah, qaab-sharci ahna waanu kaga baxaynaa Insha Allah, intaas ka horeysana waxaanu u shaqaynaynaa waa umaddii iyo dalkii,” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha oo hadalkiisa Sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaanu codsanaynaa umadda iyo dadkuba inay na aaminaan, annaguna waanu idin aaminsannahay, kalsooni badanna na siisaan, sidaad horeba noogu siiseen. Annagana waxaad nooga talo-gashaan inaysan jirin waxaanu kala hadhayno umadda ee wixii aanu u qaban karnaba aanu u qabanayno, hadday tahay waddooyinka, hadday tahay horumarinta dalka. Intii immika aanu qabannayna wax cad oo muuqda weeyi dhinac kasta oo ay tahayba, inta ka hadhayna Insha Allah waanu kordhin doonaa, waanu ka sii badin doonnaa.”

“Markaa waxaanu rejaynaynaa inuu Illaahay Garabkayaga Galo, inaynu wax wada-qabsanno inay meel uga soo wada-jeesanno, wixii xumaan iyo dhibaato wadana, aynu iska leexinno oo iska qabanno,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories