HomeMadaxweyne Siilaanyo Oo Abaal-marinno Kala Duwan Guddoonsiiyay Arday Kaalmaha Hore Ka Galay...

Madaxweyne Siilaanyo Oo Abaal-marinno Kala Duwan Guddoonsiiyay Arday Kaalmaha Hore Ka Galay Tartanka Qur’aanka Kariimka Ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu shalay Abaalmarino kala duwan gudoonsiiyey Ardaydii ku guulaysatay Tartanka Qur”aanka kariimka ah ee ka socday Masjidka Cali Mataan oo la soo gebegabeeyey.DSC_0134

Tartankan ayaa noqonaaya kii saddexaad ee uu madaxweynuhu si xidhiidha u gudoonsiiyo Ardayda ku guulaysatay kaalmaha hore Baabuur iyo hadyado kala duwan, waxaanu Galabta madaxweynuhu bixiyey gaadhigii saddexaad oo ah NOAH, iyadoo uu Madaxweyne labadii tartan ee kan ka horeeyeyna uu bixiyey gawaaadhi kuwaasoo kala ahaa NOAH iyo Markii Indhacade ah.

Madaxweynaha ayaa ku suntan tartankan quraanka kariimka ah  madaama uu noqday mdaxweynihii u horeeyey Somaliland ee maalgeliya tartan quraan ah.

Ardayda ku guulaysatay tartankan oo ka kooban afar ruux waxa u kala guulaysteen sidan:-

  1. Cabdiwahaab Ismaaciil Maxamed (Hargeysa)$700, Kitaab quraana iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.
  2. Cali Aadan Cismaan (Berbera)$1,000, Mobile qaaliya iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.
  3. Ismaaciil Cumar Madar (Hargeysa)$1,300, Kitaab, Laptop qaaliya iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.
  4. Maxamed Axmed Xasan (Hargeysa) Gaadhi,$200iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.

 

Ugu horayn  waxa halkaasi ka hadlay Culimo awdiinkii soo qaban qaabiyey tartankan oo ay kow ka tahay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ka dibna waxa halkaasi loogu sameeyey Ardayda iyo Culimadii Afur iyo Casho sharaf uu madaxweynuhu ku maamuusay.

Wasiir Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna Halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyey Tartan islamarkaana u hanbalyeey Aradaya kalmaha hore ka gashay, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in kor loo qaado qur,aanka kariimka ah iyadoo sharaf iyo maamuus u ah Diinteena islaamka, sidoo kalena wuxuu hanbalyo u diray  Wasaarada Diinta iyo Awqafta Somaliand oo tartankan soo abaabushay.

Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay mid kamida Culimada Masaarida oo ka socday Jaamacada Al-Azhar islmarkaana maal mihii u danbeeyey ku sugnaa Magaalada Hargeysa,  waxaana ay sheegeen in Somaliand makaan nabada iyo horumarku ka tis qaaday sidoo kalena waxay soo dhaweeyeen  Tartanka quraanka kariimka iyo kor u qaadida diinta islaamka, Waxaana ay Madaxweynaha iyo Xukuumada ku amaaneen Amniga iyo Nabad gelyada ka jirta Dalka Somaliland.

Ugu Danbayntiina waxaa Madashaasi soo gunaanaday Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo una hanbalyeey Ardayda ku guulaysatay Tartankaasi qur,aanka kariimka ah sidoo kalena ku amaanay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culimadii soo qaban qaabisay.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories