HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Kulan La Qaatay Bahda Cadaalada iyo Waxyaabaha Ay Ka...

Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan La Qaatay Bahda Cadaalada iyo Waxyaabaha Ay Ka Wadahadleen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargyesa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta kulan dardaaran ah la qaatay   garsoorka maxkamadda sare  iyo gudidda cadaalada  Somaliland oo ay hogaaminayeen Gudoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali Axmed, Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid, iyo Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan  kulankan oo ujeeddadiisu ay ahayd sidii loo dardargalilahaa korna loogu qaadi lahaa bahda garsoorka iyo cadaalada.

DSC_0015Isla markaana loo xoojin lahaa cadaaladda maadaama oo cadaaladu tahay  udub dhexaadka Qaranka iyo bulshadaba. Waxaana shirkaasi lagaga wada hadlay mudadii uu socday laguna soo qaaday habka ugu fudud ee dadku ay cadaalad ku helikaraan iyo sidii looga hortagilahaa caqabadkasta oo wax yeelaysa cadaalada layskuna meel dhigilahaa hanaanka ugu fiican ee bahda garsoorku ay dadka ugu adeegi lahaayeen iyaga oo raacaya shuruucda dalka, daacadna ka ah.

Waxaana halkaasi madaxweynaha warbiximo ka siiyey gudoomiyaha maxkamada sare, wasiirka Cadaalada iyo garsoorka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, iyo weliba xubno ka mida gudidada cadaalada iyo garsoorayaasha maxkamada xubno ka mida. Madaxweynaha oo shirka soo xidhay ayaa kula dardaarmay una bayaamiyey ujeedada kulankan oo madaxweynuhu sheegay inuu yahay mid ku salaysan ka midho dhalinta in dalku ka sinaado cadaalad iyo garsoor waara oo shacbiga iyo dalkaba ku hogaamiya wanaag, sinaan iyo horumar bulshadu mahadiso.

Waxa madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdlaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0015

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

  Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)

Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories