HomeMadaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisii Oo Dalka ku soo Laabtay, kana xog-warramay natiijada...

Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisii Oo Dalka ku soo Laabtay, kana xog-warramay natiijada Socdaalkiisii Turkiga (Sawirro)

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maalmihii u dambeeyay isaga wefti uu hogaaminayaa socdaal shaqo ugu maqnaayeen dalka Turkiga, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

SOO LABAASHADA WEFTIGA MADAXWEYNAHA (7)Madaxweynaha Somaliland oo ka soo degay Madaarka magaalada Hargeysa, waxa uu ka warbixiyay natiijada socdaalka ay ku tageen Turkiga iyo masuuliyiinta ay la kulmeen iyo weftigiisa oo ka koobnaa Wasiirrada Arrimaha Debedda, madaxtooyada, macdanta & Biyaha, Dib-u-Dejinta iyo Waxabarashada.

SOO LABAASHADA WEFTIGA MADAXWEYNAHA (8)Madaxweynaha oo ka hadlay socdaalkiisa, waxa uu yidhi, “Marka hore waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay in aniga iyo weftiga ila socdaaba aanu anaga oo nabad qabna dalkii hooyo ku soo noqono iyo dalkii oo nabad qaba intaba. Dalka Turkiga ayaanu aniga iyo weftiga ila socdaaba safar ku tagnay shan cisho ah. Wuxuu ahaa safar taariikhi ah, iyadoo ay ahayd markii ugu horaysay ee Madaxweyne Somaliland ahi dalkaas tago. Madaxda wadankaasi intooda badan waanu aragnay, waxaana ka mid ahaa kuwii aanu la kulanay Raysal wasaare Ku xigeenka, Wasiirka Khaarajiga iyo Wasiirka Macdanta iyo tamarta.”

SOO LABAASHADA WEFTIGA MADAXWEYNAHAMadaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku ladhay “Raysal wasaarihii ayaan darro wakhtigii ugu dambaysay ayuu xunuun ku dhacay lama filaan ahi oo way noo suurto-geli wayday inaanu la kulano, laakiin madaxdii kale oo dhan baanu aragnay. Halkaasi wufuudii aanu ku aragnay, waxaanu uga waranay dalka xaalkiisa, taariikhda inaga dhaxaysa iyo waxyaabaha badan ee ay inala qaban karaan. Wefti Wasiirro ah oo naga sii horeeyayna way jireen.

SOO LABAASHADA WEFTIGA MADAXWEYNAHA (1)Waxaanu ka wada hadalnay arrimaha tacliinta, caafimaadka, biyaha iyo horumarkaba. Wada hadal fiican baa na dhex maray, waxaanu ku balanay inay waxyaabo badan oo ay inala qaban karaan aynu ka wada shaqeyno oo ay wax inagala taageereaan dal ahaan.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in wufuud ka socota Turkigu ay booqasho ku iman doonaan Somaliland, “Inshaalaahu waxaanu rajaynaynaa inay si dhakhso ah wufuudi inooga iman doonaan Turkiga. Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay sidii mar walba loo xoojin lahaa xidhiidhka labada wadan iyo inaanu dalkooda ka furano cid inoo ilaalisa maslaxadeena iyo danaheena intaba. Waxaanu rajaynaynaa inuu safarkaasi noqdo mid midho dhala oo wax badan oo faa’iido ah dalkeena iyo dadkeenaba u soo hooya,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

SOO LABAASHADA WEFTIGA MADAXWEYNAHA (4)

Madaxweynaha oo la weydiiyay sida uu u arko mid ka mid ah wargeysyada Turkiga ka soo baxa oo qoray war sheegaya in xukuumadda Somaliland ay xidhiidh la leedahay Al-shabaab, waxaanu ku jawaabay, “Waxay ila tahay arrintaasi inay tahay hadal aanay waxba ka jirin. Madaxda turkigu ma qabaan inaanu Al-Shabaab xidhiidh leenahay, nalamanay soo qaadin inaanu Al-Shabaab xidhiidh leenahay, xidhiidh Somaliland iyo AL-SHABAAB leeyihiina ma jiro. Somaliland iyadaa u dagaalanta madax banaanideeda iyo qaranimadeeda. Iyadaa la dagaalanta argagixisadda iyo budhcad badeeda oo qaar badan oo ka mid ahi u xidhan yihiin. Arrintana wax hadal haya iyo meel lagu qoray midna ma aanu arag.”

SOO LABAASHADA WEFTIGA MADAXWEYNAHA (6)Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay wax ka jira warar sheegaya in dawlada Qatar ay doonayso inay kaalin ka geysato wada hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi, “Qatar wax naga soo gaadhay iyo wax nooga yimi midna ma jiro, wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya wax muddo badan socday ayay ahaayeen meelo badan ayaa laga soo hadal qaadaa, laakiin wakhtigan xaadirka wax barnaamij oo noo socdaa ma jiro, ka Ingiriiska lagu qabanayo ayaa ugu dhawaa, kaasna waanagii nidhi marti-qaad dawladda Soomaaliya loo sameeyay weeye, marti-qaad Soomaaliya loo sameeyayna anagu ka qayb gali mayno shaqana kuma lihin, marka qodobo laga wada hadlayo oo gooni ahi ay yimaadaan, markaa xageeda ayaa laga wada tashan doonaa Insha Allah.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories