HomeMadaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisa oo La Kulmay Danjiraha Maraykanka ee Kenya iyo...

Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisa oo La Kulmay Danjiraha Maraykanka ee Kenya iyo Madaxda hay’adda USAID

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Nairobi (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta magaaladda Nairobi kula kulmay Danjiraha Maraykanka u fadhiya wadanka Kenya Ropert F. Godec, Ku-xigeenka u Qaybsanaha Arrimaha Somaliland iyo Somalia ee Safaaradda Maraykanka Brian Phipps iyo Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Gargaarka Maraykanka ee USAID  Marwo Hodan Xassan. Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Debedda Somaliland, ayaa lagu sheegay in kulankaas lagaga wada-hadley Xidhiidhka Dalka Maraykanka iyo Somaliland, taageerada dhinaca gargaarka ee hay’adda USAID iyo qodobbo kale.

Warsaxaafadeedkaas, ayaa u dhignaa sidan:

Silanyo_Kenya “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafdidigii uu hogaaminayay oo maalmahanba ku sugnaa Dalka Kenya ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay Madax sare oo Maraykan ah oo uu hor kacayay Danjiraha Dawlada Maraykanka u fadhiya Dalka Kenya Ambassador Ropert F. Godec, iyo madax kale oo ay ka mid ahaayeen Brian Phipps, Deputy Special Rep for Somaliland/Somalia iyo Marwo Hodan Hassan USAID Deputy Director.

Kulankan oo si balaadhan loogu lafo guray arrimaha Nabadgelyada, Horumarka, Dhaqaalaha, Siyaasada, kobcinta Dimuqraadiyada, Xaalada guud ee mandaqada iyo xidhiidhka u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dalka Maraykanka ayaa waxaa hadal dheer ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo si balaadhan uga warbixiyay xaallada guud ee Somaliland iyo sida ummada reer Somaliland ay dalkooda hooyo dib ugu dhisteen isla markaasna ay uga go’an tahay inay gaadhaan yoolka ay higsanayaan ee ah inay dunida ka helaan Aqoonsi Buuxa.

Waxa uu Madaxweynuhu aad ugu nuux-nuuxsaday in dalka Somaliland ay ka jirto Nabadgelyo buuxda isla markaasna ay Shacbiga iyo Xukuumada Somaliland iyaga oo gacmaha is haysta ay heeggan buuxa ugu jiraan inay ka hortagaan cid kasta oo Nabadgelyada wax u dhimaysa, waxa kale oo uu Madaxweynuhu tilmaamay in Jamhuuriyada Somaliland ay kaalin muhiim ah kaga jirto la dagaalanka Budhcad badeeda iyo Argagixisada, isla mar kaasna uu xidhiidh qoto dheer oo dhinaca Amaanka ahi uu ka dhexeeyo dalka Somaliland iyo wadamada deriska ah iyo dalalka reer galbeedka, mar kastana ay Somaliland diyaar u tahay sidii ay uga qayb qaadan lahayd xoojinta amaanka ee Mandaqada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa kale oo ka war bixiyay in Somaliland ay sii wadi doonto wada hadaladii ay la yeelanaysay Dalka Soomaaliya ee ku saabsanaa sidii la isula meel dhigi lahaa xidhiidhka mustaqbalka ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaana uu xusay in ay Somaliland diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax kasta oo lagu xasilanyo amaanka geeska Afrika.

siilaanyo_KenyaDanjiraha Maraykanka u fadhiya Dalka Kenya iyo madaxda kale ee la socotay ayaa waxa ay iyaguna dhinacooda si cad u tilmaameen in Aqoonsigii ay dhawaan siiyeen Dawlada Soomaaliya aanu waxba u dhimayn Xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee u dhexeeyay Jamhuuriyada Somaliland iyo Dalka Maraykanka, isla mar kaasna ay sii xoojin doonaan kaalmada uu Maraykanku u fidin jiray Somaliland, waxa kale oo ay sheegeen inay gacan balaadhan ka geysan doonaan arrimaha Horumarka iyo geedi socodka Dimuqraadiyada Somaliland, isla markaasna ay gacan balaadhan ka geysan doonaan Doorashooyinka soo socda, iyaga oo horeba gacan uga geysan jiray doorashooyinkii hore ee dalkeena ka qabsoomay.

Dhinaca kale, waxa ay Dawlada Maraykanku Martiqaad u fidisay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inuu booqosho ku yimaado Dalka Maraykanka, si uu ula kulmo Madaxda kala duwan ee Dalkaasi Maraykanka, waxaana uu Madaxweynuhu Aqbalay Martiqaadkaas iyada oo uu socdaal ku tegi doona Mustaqbalka dhow Dalka Maraykanka.

Kulankan Waxa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Debada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire. iyo Danjiraha Somaliland u fadhiya Dalka Kenya Dr. Maxamuud Cabdilaahi Sifir.

Tan iyo markii wafdiga Madaxweynu ay soo gaadheen Dalka Kenya waxa Madaxweynaha loo qaabilayay si heer sare ah, iyada oo Xukuumada Kenya ay Madaxweyne Siilaanyo u qaabishay heer Madaxweyne oo la mid ah ka ay ku qaabisho Madaxda dunida ee la Aqoonsan yahay, waxaana la siiyay gaadiidka gaarka ah iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynayaasha loogu talo galay, waxaana ay tani tilmaan cad u tahay xidhiidhka sii xooggaysanaya ee u dhexeeya labada Dal ee Somaliland iyo Kenya.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories