HomeMadaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Daakhiliga oo Si Adag uga hadlay Go'aanka masuuliyiinta...

Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Daakhiliga oo Si Adag uga hadlay Go’aanka masuuliyiinta Is-casilay iyo Qorshaha uga meel-yaalla

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

“Anigu wasiirkii Daakhiliga ayaan ahay oo waxaan qaabilsanahay Amniga dalkan. Cid kasta oo ka tallowda Khadka Cas, waxaan ahayn ninka Qoorta ka jabinaya”

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soo dhaweeyey Is-casilaadda ay ku dhawaaqeen 11 xubnood ka tirsan xukuumaddiisa oo isugu jira wasiirro, wasiir ku-xigeenno, Afhayeenkiisii iyo Agaasimeyaal, kuwaas oo uu sheegay inay xaq u leeyihiin go’aankooda, waxaanu sheegay inuu soo magacaabayo shakhsiyaadkii beddelkooda gali lahaa.

sawirro official silanyo (6)Md Axmed Siilaanyo oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, waxa uu beeniyey eedayn ay u jeediyeen xubno ka tirsan wasiirrada is-casilay oo madaxweynaha ku duray inuu cid gaar ah u xidhay murashaxnimada Xisbiga Kulmiye, isagoo ku madaxweynuhu ku dooday inaanay jirin cid uu gaar u taageersan yahay, balse Golaha Dhexe ee Xisbigaasi go’aamin doono cidda ka soo dhex-baxaysa murashaxniinta u tartamaya madaxtinimada xisbiga.

Md Siilaanyo oo la weydiiyey sida uu u arko Is-casilaadda Wasiirrada, waxa uu ku jawaabay, “Dadku hadday la socon waayaan maamulka dowladda ee jira inay is-casilaan xaqbay u leeyihiin, dowladduna isku adkayn maysee, hayska tagaan, halkoodii dad kalaa galaya,” ayuu yidhi Md Siilaanyo.

Madaxweynaha oo la weydiiyey waxa uu kaga jawaabayo eedo ay u jeediyeen xubno ka tirsan wasiirrada Is-casilay oo madaxweynaha ku eedeeyey inuu kaga baxay ballan ay hore isula ogaayeen iyo inuu cid gaar ah u xidhay murashaxnimada xisbiga Kulmiye, waxa uu Md Siilaanyo ku jawaabay, “Eeddaas waxba kama jiraan, Anigu cid aan garab siiyey ma jirto, arrintaas Golaha Dhexe ayaa ku shaqo leh cidda ay soo saarayaan, xisbiguna sharcibuu leeyahay, aniguna waxaan marayaa halka uu xisbigu maro.”

Madaxweynaha oo la sii weydiiyey inuu aqbalay go’aanka iscasilaadda masuuliyiinta, waxa uu yidhi, “Xubnaha is-casilay iyagaa ikhtiyaarka leh, dalku waa faro-badan yahay, umaddu way fara-badan tahay, dad badan oo shaqaynaya oo qaranka u shaqaynaya way joogaan; ciddii ila shaqaynaysaa way ila shaqaynaysaa ciddii kalena way iska tagaysaa.”

Dhinaca kale, wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ku gooddiyey inuu gacan-bir ah ku qabanayo cid kasta oo isku-dayda inay waxyeello u geysato ammaanka dalka, isagoo la hadlayey wasiirrada iska casilay xilalka.

Wasiirka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa mar la weydiiyey sida uu u arko is-casilaadda masuuliyiinta iyo inuu aragti ahaan fekerka ay go’aankooda ku gaadheen la qabo, waxa uu ku jawaabay Cali Waran-cadde, “Anigu wasiirkii Daakhiliga ayaan ahay oo waxaan qaabilsanahay Amniga dalkan. Cid kasta oo ka tallowda Khadka Cas, waxaan ahayn ninka Qoorta ka jabinaya, hadduu yahay kuwaan taageersanahay iyo hadduu yahay kuwaan diidanahay,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.

Wasiirrada Iscasilay ayaa go’aankooda salka ku hayaa khilaaf ka taagan murashaxnimada madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, kaddib markii sida ay sheegeen uu madaxweynuhu si buuxda u taageeray murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Masuuliyiinta Is-casilay ayaa kala ah Wasiirradii Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada, Shaqada, Hawlaha Guud, Cadaaladda, Afhayeenkii madaxtooyada, Wasiir ku-xigeennadii Ganacsiga, Dib-u-dejinta, Deegaanka, Hawlaha Guud, Agaasimihii Guud ee Deegaanka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories