HomeMadaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Kulmiye oo Shacbiga ku hambalyeeyey Gurashada Bisha Barakaysan...

Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Kulmiye oo Shacbiga ku hambalyeeyey Gurashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shucuubta Muslimiinta gaar ahaan shacbiga Somaliland ku hambalyeeyey Curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu Shucuubta Muslimiinta gaar ahaan shacabka Somaliland ku hambalyeeyey Curashada Bisha barayskan ee Ramadaan oo caawa bilow ah, waxaau u rejeeyey caafimaad-qab iyo cimri-dherer inay ku gaadhaan sannadkan dambe.

muuse-iyo-siilaanyoSida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha oo lagu shaaciyey dhambaalka hambalyada madaxweynaha, kaas oo u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan dalka Guddihiisa & Dibediisaba, Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed, waxaanu ugu Bushaaraynaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay caawa oo ay taariikhda Miilaadiga ahi tahay 29/06/2014, halka ay taariikhda Hijiriyada Islaamkuna ka tahay 01/09/1435.

Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda ummadda Islaamka dhamaantood. Isaga oo dhambaalkan mid la mid ahna u Diraya Madaxweynuhu Shucuubta islaamka ee Caalamka ku nool guud ahaanba.

Sidoo kale waxa uu Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed ILLAAHAY uga barayayaa Bukaan jiifka ay Ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE inagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xannuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha Ramadaana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaaf iyo inuu Janatu Fardawsa ka waraabiyo,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka hoggaamiya ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka Somaliland iyo guud ahaan shucuubta Muslimiinta ah ku hambalyeeyey curashada bisha Barakaysan ee Ramadan.

Dhambal xambaarsan hambalyada Guddoomiyuhu munaasibadda kheyrka badan awgeed uu shacabka ugu diray, ayaa u qornaa sidan: “Anigoo (Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE) ku hadlaya magacayga, ka hoggaanka xisbiga, golaha dhexe, guddiga fulinta iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka, gaar ahaan shacbiga Somaliland curashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed.

Waxaan Alle inooga baryayaa inuu inaga yeelo kuwii khayrkeeda ka faa’iidaysta ee uu ka aqbalo,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories