HomeMadaxweyne Siilaanyo Iyo Guddiga Uu Magacaabo: Masuuliyiin Guddi Kasta Ku Jira Iyo...

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddiga Uu Magacaabo: Masuuliyiin Guddi Kasta Ku Jira Iyo Falanqaynta Hagardaamada Ay Ku Keentay Hawlaha Qaranka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa lixdii sannadood ee uu talada hayay wuxuu caan ku noqday inuu magacaabo guddiyo uu u diro hawlo kala duwan oo qaranku leeyahay, waxaana muddadaas xadka ka baxay guddiyada uu madaxweynuhu magacaabo, oo la kowsaday tan iyo dhismihii golihiisa wasiirada.

1

Waa arrin iska caadi ah in guddiyo farsamo loo magacaabo hadba wixii hawl soo korodha, waxase isweydiin iyo doodo adag abuuray noocyada shaqo ee uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabo guddiyada badankooda oo ay dadka qaar u arkaan hawlo sida dhiciskii birta aan kugu simayn ah oo xal u heliddoodu u baahan tahay dhaqso si aanu xaal faraha uga sii bixin ama dhibaato taagani khasaare badan sii geysan, waxaa iyaduna jirta dood xooggan oo ah in madaxweyne Siilaanyo marar badan guddiyo u magacaabo arrimo caadi ahaan uga mid ahaa shaqo maalmeedka uu qaranka ugu igman yahay.

Arrinta kale ee aalaaba doodda maangalka ahi ka dhalato, marka laga hadlayo guddiyada madaxweyne Siilaanyo ayaa ah dadka uu guddiyadaas ku darayo. Sida caadiga ah hawlaha guddi qaran loo dirayaa waxa ay u kala bixi karaan kuwo shaqada tooska ah ee xukuumadda ka mid ah, sida guddida biyo ballaadhinta oo qayb ka ah shaqada wasaaradaha iyo wakaaladaha biyaha iyo guddiyo loo igmado hawlo farsamo iyo waajibaad ka ballaadhan inta ay wasaaradi qabato ama  hawl degdeg ah oo soo baxday. Marka aynu guddida hore eegno waxaa muhiim ah in haayadda shaqadaas lihi ka dhex muuqato, laakiin guddida dambe qasab ma’aha in ay wasiirro ku jiraan.

Haddaba dhibta taagan ayaa ah in guddi kasta oo uu madaxweyne Siilaanyo magacaabo ay ku jiraan tiro wasiirro ah. Caadi ahaan wasiirku waxa uu qaranka u hayaa shaqo cayiman, marka la eego dalkeenna oo weli yagleel ah iyo haayadaha qaranka oo aan gaadhin heer ay is wadaan, balse wasiirka ku socda badankoodu, in wasiirka hawl kale loo diraa waxa ay caqabad ku noqonaysaa haayaddii uu maamulayey.

Arrintuse waxa ay sii murugaysaa marka wasiirkii ama masuulkii keli ahaa uu madaxweynuhu ku daro guddiyo tiro badan.

Waxaa jira wasiirro iyo masuuliyiin lagu dhex arko guddi kasta oo uu madaxweyne Siilaanyo magacaabo, waxa aanay taasi keenaysaa in su’aal la iska weydiiyo waqtiga iyo maskaxda ay gelin karaan shaqada guddiyada kala duwan ee ay ku jiraan iyo shaqadii kale ee ay qaranka u hayeen oo u sii dheer.

Masuuliyiiinta caanka ku ah guddiyada Madaxweyne Siilaanyana waxaa ka mid ah:

madaxweyne-xigeenka

Labadii bilood ee u dambeeyay wuxuu Madaxweyne Siilaanyo guddiyo badan oo uu magacaabay guddi kasta ku daray madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo ka mid ah guddiyada kala ah.

1. Guddiga wax ka qabashada sicir bararka

2. Guddiga  abaaraha.

Wasiirka madaxtooyada

Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa isna ku jira guddiyo badan oo uu Madaxweynuhu magacaabo, waxaana ka mid ah

1 Guddida Sicir-bararka.

2 Guddida aqoonsi raadinta.

3)- Guddida dib u habaynta dhulka

Wasiirka gaashaandhiga

Wasiirka gaashaadhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa isna ku jira guddiyadan

1. Guddiga abaaraha

2. Guddiga qaban qaabada xuska 18 May

Wasiirka maaliyadda

Wasiirka maaliyada Samsam Cabdi Aadan, ayaa iyaduna ku jirta guddiyada kala ah

1. Guddiga wax ka qabashada sicir bararka

2. Guddiga gurmadka abaaraha

3. Guddiga qaban qaabada 18 May

4. Guddiga dib u habaynta iyo gacan ku haynta guryaha dawladda

Guddiyadan tirada badan ee uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay iyo masuuliyiinta dhawrka goor ku soo noqnoqday oo aan ku koobnayn intan oo keliya, ayaa abuuraya dareen ah in aanay magacaabistoodu ku fadhiyin aragti lafa-guran iyo qorshe miisaaman.

Geesta kale, bulshada ayaa ku jaho-wareertay guddiyada badan ee uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabo oo aan lagu arki jirin labadii madaxweyne ee talada uga horeeyay.

Waxase ka sii yaab badan, in aan weli la’ arag natiijo ay guddi uu Madaxweynuhu magacaabay ka soo saartay arrimaha loo diray, marka laga reebo guddigii u horaysay ee uu madaxweyne Siilaanyo magacaabay markii la doortay, kuwaas oo soo saaray qoraal ay kaga tallo bixiyeen taladii uu weydiistay oo ahayd dhismaha xukuumadiisii u horaysay, taas oo aanu iyadana habayaraate waxba ka fulin.

Ugu dambayntii guddiyada madaxweyne Siilaanyo oo weli sii socda ayaa xoojinaya doodda adag ee laga qabo tayada xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo kartida wax-qabad ee masuuliyiinta uu hawlaha qaranka u diro oo haddana qaarkood shaqadooda guddiyo lagu xoojiyo.

Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories