HomeMadaxweyne Siilaanyo iyo Danjire Nicholas Key oo Hawada Isu-mariyey Weedho Siyaasadeed oo...

Madaxweyne Siilaanyo iyo Danjire Nicholas Key oo Hawada Isu-mariyey Weedho Siyaasadeed oo kala-fogaansho ka Muuqdo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland, ayaa bayaamiyey mowqifka ay ka taagan yihiin Xafiis Siyaasadeed oo hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ku yeesho Caasimadda Hargeysa. Halka uu Madaxa UNSOM Danjire Nicholas Kay-na dhiniciisa faahfaahiyey waxa uu kala kulmay Somaliland oo uu toddobaadkii hore booqasho ku yimi.

siilaanMadaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), ayaa shaaca ka qaaday inaanay marnaba aqbali doonin in Xafiis Siyaasadeed oo Qaramada Midoobay leedahay laga furo Somaliland. Fariin Madaxweyne Siilanyo ku baahiyey Bartiisa Twitter shalay, ayaa lagu sheegay; “Somaliland way sii wadaysaa kala shaqeynta Qaramadda Midoobay dhinacyada horumarinta. Hase ahaatee, si kasta mar-naba ma aqbali doonto Xafiis Siyaasadeed oo UNSOM leedahay in laga furo Somaliland.”

Dhinaca kale, Wakiilka Qaramadda Midoobay Nickolas Kay, ayaa tafaasiil ka bixiyey hadal uu dhawaan jeediyey oo ku saabsanaa ujeeddada socdaal uu ku yimi Caasimadda Hargeysa ee Somaliland. Mr. Kay, oo hadal u muuqday in Somaliland ku qanacday nidaamka federaalka sheegay, ayaa isagoo ka jawaabaya faahfaahin inuu ka bixiyo ujeeddada hadalkaa ku yidhi; “Hargeysa waxaan kala soo kulmay go’aan ay ku adagyihiin madax-bannaanida Somaliland iyo sidoo kale taageero ay u hayaan horumarka nidaamka xasilinta Soomaaliya.”

Hadalkan, ayaa noqonaya mid ku soo beegmaya wakhti Somaliland mar labaad caddeysay mowqifka ay ka taagan tahay furitaan Xafiis Siyaasadeed oo UNSOM ku yeelato dalka, oo beryahii u dambeeyey Warbaahinaha gudahu siyaalo kala duwan wax uga qorayeen.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories