HomeMadaxweyne Siilaanyo Iyo Beesha Caalamka Oo Si Weyn Isugu Maandhaafsan Kala Qaadista...

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Beesha Caalamka Oo Si Weyn Isugu Maandhaafsan Kala Qaadista Labada Doorasho

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SL.Post) Madaxweynaha  Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wadamada beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, ayaa si adag isugu maandhaafsan kala qaadista labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiilada oo hore la iskugu raacay inay wada jir u qabsoomaan March 2017, balse hadda la filayo in la kala qaado.

 

IMG_DA893A-FC5C6A-C2D5C3-735AEA-324645-4FDDAC

 

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Siilaanyo golaha guurtida u gudbinayo dhawaan soo jeedin uu ku dalbanayo in muddo laba sannadood ah loo kordhiyo golaha wakiilada, taas oo macnaheedu yahay in dib loo dhigo doorashada wakiilada oo la kala qaado doorashada madaxtooyada iyo wakiilada. Madaxweynaha ayaa la tilmaamayaa inuu soo jeedintiisa ku salayn doono saami qaybsiga iyo xeerkii golaha wakiilada lagu soo dooran lahaa oon goluhu meelmarin.

 

Hase yeeshee, Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ay Madaxweyne Siilaanyo soo gaadhsiiyeen farriin nuxurkeedu yahay inaanay marna aqbali doonin in la kala qaado labada doorasho oo mar saddexaad muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiilada, taas oo ay ku tilmaamayaan dib u dhac halis gelinaya geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

 

Wararka uu Geeska Afrika helay waxay tilmaamayaan in dalalkan oo uu fadhigoodu yahay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya qaadi doonaan talaabooyin ay kaga jawaabayaan haddii la kala qaado labada doorasho.

 

Si kastaba ha ahaate, haddii uu Madaxweyne Siilaanyo go’aan ku gaadho in la kala qaado labada doorasho ee wakiilada iyo madaxtooyada, waxa beesha caalamka iyo Somaliland u bilaabmi doona isfaham waa’, waxaanay dadka xidhiidhka caalamiga ah falanqeeyaa tilmaamayaan suurtogalnimada dagaal diblomaasiyadeed oo ay beesha caalamku la beegsato xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories