HomeMadaxweyne Siilaanyo: Hoggaamiye Gacan Yarayaashiisu Ay Shahaado Qiimeyn Ah Siiyaan Iyo Dhaawaca...

Madaxweyne Siilaanyo: Hoggaamiye Gacan Yarayaashiisu Ay Shahaado Qiimeyn Ah Siiyaan Iyo Dhaawaca Ay Ku Keentay Milgaha Dawladnimo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Muddooyinkii u dambeeyey waxaa saaxadda siyaasadeed ee Somaliland ku soo kordhay shahaado sharaf qiimeyn ah oo ay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo guddoonsiinayaan qaar ka mid ah golihiisa xukuumaddu.

Shahaado sharafyadaas waxa u dambaysay mid Madaxweynaha qaranka Axmed Maxamed Siilaanyo lagu guddoonsiiyay furitaankii dhismaha wasaaradda arrimaha gudaha loo dhisay oo lagu sheegay inay tahay Shahaado sharaf qiimeyn ah.

Shahaado sharafyadan ayaa ah kuwo la guddoonsiinayo Madaxweynaha oo ay umadu dooratay, waxaana guddoonsiinaya qaar ka mdi ah masuuliyiintii uu isagu gacanyarayaasha uga dhigtay gudashada waajibaadka qaranka ee saaran. Arrintan oo ah dhaqan siyaasadeed cusub oo aan hore dalka uga jiri jirin balse ka mid noqday dabeecadaha ay soo kordhisay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaan caadi ahaan lagu arkin dunida dimuqraaddiga ah.

Waa ay dhacdaa in Madaxweyne ama hoggaamiye dawladeed uu abaalmariyo wasiirada ama masuuliyiinta kale ee uu u garto inay si hufan u guteen shaqadii uu umadda ugu dhiibay, waxaana jira billado sharafeed kala darajo sarreeya oo milateri iyo madaniba leh oo madaxweynuhu ku maamuuso masuulka xilkii loo igmaday gutay, laakiin maaha wax dhacay in wasiir ama guddoomiye gobol uu shahaado sharaf uu weliba qiimayn ku sheegayo siiyo madaxweynihii iyaga xilalka u dhiibay.

Dad badan oo ka mid ah dadka reer Somaliland ee aqoonta wanaagsan u leh dawladwanaagga ayaa shahaadooyinjka qiimaynta ah ee Madaxweynaha la siinayo u arka inay tahay ceeb ku soo korodhay nidaamka dawladnimo ee Somaliland.

Ujeedada koowaad ee shahaadooyinkan ay masuuliyiintu madaxweynaha siinayaan ayaa ah mid ay masuuliyiintani doonayaan inay kor ugu qaadaan kalsoonida uu madaxweynuhu iyaga ku qabo, iyagoon dareensanayn in talaabadan ay qaadayaan ka soo horjeedo milgaha dawladnimo, laguna tilmaami karo guulwadayn xadka dhaaftay, oo sahayatay shuruucdii dowlad wanaagga.

Waxa xusid mudan in Alle haw naxariiste Madaxweynihii labaad ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ay wakhtigiisii dhacday in mid ka mid ah masuuliyiintii uu xilalka u dhiibay uu sawirkii madaxweynaha ku dhejiyo mid ka mid ah waddooyinka magaalada Hargeysa, iyadoo ay soo dhawayd dabaal degga munaasibada qaranimo ee 18 May. Marxuum Cigaal ayaa markii uu ogaaday in sawirkiisii wadada lagu dhejiyay wuxuu amar deg deg ah ku bixiyay in sawirka la soo furo, isagoo masuulkii sawirka sameeyay ku canaantay inuu meel kaga dhacday milgihii dawladnimo.

Madaxweyne Siilaanyo oo muddo dheer ku soo dhex jiray haykalka dawladnimada ee guud ahaan Soomaalida, ayaanay dad badani ka filayn in maamulkiisa dawladnimo lagu arki lahaa talaabooyinkan iyo kuwo kale oo ceeb ku ah dawladnimada wanaagsan iyo tayada hoggaamiye aragti dheer.

Waxase ay talaabadan ah in masuuliyiintii uu xilalka u dhiibay ay shahaado qiimeyn ah siiyaan Madaxweyne Siilaanyo ay wax u dhimayso sumcadiisa iyo aragtidii uu rayul caamka Somaliland ka qabay.

 Madaxweyne Siilaanyo ha ogaado in nidaamka dowladnimo ee xorta ahi uu yahay in hoggaamiyaha la doorto cidda la xisaabtami karta, qiimayn run ahna ku samayn karta wanaag iyo xumaan waxa uu hoggaanka ku soo kordhiyey ay tahay haayadaha iyo cidda uu dastuurka dalku xaqa u siiyey iyo muwaadiniinta codkooda kursiga ku keenay, balse aanay ahayn shakhsiyaadka gacanyarayaasha uu isagu ka dhigtay si hawsha isaga loo igmaday ay uga gacan siiyaan. sida saxda ahina ay tahay in isagu uu xisaabiyo cidda uu hawshan u dirtay, ee aanay isaga xisaabin.

Sidaas darteed waxa Madaxweyne Siilaanyo seegtay inuu diido shahaado sharafyadan qiimeynta ah, ee aad mooddo in gacan-yarayaashiisa oo wasaaraduhu ugu horreeyaan u tartamayaan.

Xigasho Geeska Afrika

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories