HomeMadaxweyne Siilaanyo: Halyey Ciidda, Calanka iyo Qarankuba ku diirsaday iga dheh –...

Madaxweyne Siilaanyo: Halyey Ciidda, Calanka iyo Qarankuba ku diirsaday iga dheh – W/Q: Eng. Mohamed Ali

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xa riirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan dhammaantiin Allaha awoo dda leh idiinka baryayaa , inuu idinka yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaana , cadaaladda u hiiliya , Qabyaaladda iyo dulmigana ka fogaada.

Inta aanan u daa dagin halka aan u dan leeyahay iyo fariinta uu qoralkani xanbaarsan yahayba,bal aan ku daah furo, ooddana aan kaga qaado midhaha Hees aan u soo dooray Madaxweynaheenna Somaliland , oo uu qaado fanaankeena codka macaan ee Fuaad Cumar :

Dhulka Somailand,Naftii hure dhiiranaa
ma dhuumade , soo halgamay
intuu dhamacda uga shiday
wuxuu ugu soo dhintee
dhiigiyo , xinjirta ugu qubay

*****
inay dhismahooda Qaran
Calanka ay ugu dhidbaan
adduunka uu dhaxal galoo
ahaado mid aan ka dhicin

Haddaan midhaha  heesta aan intaa ku dhaafo,dulucda qoraalkana aan gudo galo , tan iyo malintii doorashada uu ku guuleystay Madaxweyne Axmed Siilanyo,waxaa gayiga Somaliland uu ku soo dabaalay, ididiilo wadaninimo , Dal jacayl iyo horumar dhan walbba ah, lana taaban karo. Shacabka Somaliland meel ay joogaanbba way u guuxeen ,  soona dhaweeyeen mashaariicda horumarineed ee dalka lagu soo kordhiyay , kuwa faraha lagu hayo  iyo kuwa maalin walba xadhiga laga jarayo. Madaxweynaha Somaliland ,Muj. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) , waa Halyey Ciidda , Calanka iyo Qarankuba ku diirsaday .
Isbdedelkii dalka ka hana qaaday tan iyo maalintii talada Dalka loo dhaariyey ,waxaa gabi ahaanbba meesha ka baxday Xukuumadii fadhiidka ahayd ee Riyaale, kana koobnayd Qawlaysatada, Gofanayaasha iyo Diirta ,ee  feentay  ma guurtadii , dhiigana ka jaqday dan yartii iyo intii awoodooda dhaqaale hooseysay…In ka yar laba sanno gudahood,waxaa Dalka intiisa badan farta lagu hayaa,mashaariic tiro badan,oo wax ku ool ah,kuwaasoo ay ka mid yihiin waddooyinka,mashaariicda Biyaha,mashaariicda Caafimaadka,mashaariicda Waxbarashada,dib u dhiska Garoonada Diyaaradaha , iwm.
Waxaa dhammaanteen,mucaarid iyo muxaafidba, tusaale fiican innogu ugu filan, xaaladii naxdin ta iyo murugada lahayd ee ay ku sugnayd magaalada Berbera waqtigii Riyaale Dalka ka talina yey, qarkana u saarnayd in marsada Berbera albaabada loo laabo,kana yeelay halbowlihii dhaq aalaha Somaliland iyo bilicdeediiba , looma hoydaan…Maanta,magaalda Bebera ,waxay noqotay muraayadda laga daalacdo horumarka ,bilicda, quruxda , wanaagga iyo horumarka Somaliland ku tallaabsatay …Haddaba,waxaa akhristaw is weydiin mudan , maadaama dadka iyo degaankuba ay reer Berbera iyo Gobolkii Saaxil uun wada yihiin,maxaa meesha ka baxay ee is bedelka in taa leeg keenay?

Jawaabta meel fog laga raadin maayo,waxaanan Akhristaw anigu aan  odhan karaa, wahabkii iyo shuushkii uun baa Rabbi innaga dul qaaday,shacabkuna waxay doorteen kii u damqanayey,u soo halgamay,u soo kifaaxay ,naftiisana u soo huray , cid uga lexo jeclo badanina aanay jirin.
Lama dafiri karo,lamana qarin karo baaxadda horumarka iyo wanaaga Dalka ku soo kordhay mudadada kooban ee labada sanno ka yar,ee uu Axmed Siilaanyo talada Dalka gacanta ku hayay, waxaanay ka magac iyo manfacba badan tahay Sideedii (8-dii) sanno ee Riyaale Dalka maamulayay. Sidaa awgeed, waxaan leeyahay Madaxweynaha Somaliland , Muj. Axmed Maxamed Maxa muud (Siilaanyo), Halyey Ciidda , Calanka iyo Qarankuba ku diirsaday iga dheh.

 Waxaan dhammaantiinbba idinku dhaafayaa ,Somaliland Ha Noolaato,Madaxweynaha Somaliland, Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) , ha guulaysto.

 Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories