HomeMadaxweyne Siilaanyo Oo Taleex U Diray Wefti Ka Hawl-gala Shaqaaqadii Dhawaan Dhexmartay...

Madaxweyne Siilaanyo Oo Taleex U Diray Wefti Ka Hawl-gala Shaqaaqadii Dhawaan Dhexmartay Dadka Deegaanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Taleex, (SLP)-  Wefti uu hogaaminayo wasiirka khayraadka biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex iyo xildhibaanno ka tirsan golaha wakiillada ayaa gaadhay deegaank Taleex.

Weftigan oo uu kusoo dhaweeyay magaalada Taleex guddoomiyaheeda Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo saraakiisha ciidamada ee halkaas ku sugan.Taleex

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha Deegaanka Taleex Cabdirashiid Maxamed Axmed waxaanu yidhi. “Mudane wasiir sida aad soo aragteen magaalada amnigeedu maanta gacanta ayuu ku jiraa, waananu idinku soo dhaweynaynaa.”

Waxa isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, waxaana ka mid ahaa hadalladiisii. “Waanu idinku mahad-naqaynaa soo dhaweyntiisan mahadda koowaadna waxa iska leh ciidanka qaranka oo arrintan aanu u nimi odayaal ka ahaa oo gurmadkii u horeeyay u yimi.”

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo isaguna ka mid ah weftiga Taleex gaadhay ayaa yidhi. “Odayaashaa Hargeysa ka yimi ayaanu nahay, waxaanu u soconaana waa wixii ciidanku nooga soo horeeyay oo ah in deegaankani uu noqdo deegaan nabdoon, waxaanan rajaynayaa inay wax weliba si hagaagsan ku dhamaadaan.”

Ugu dambayn waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda khayraadk biyaha oo isagu weftiga hogaaminayay, waxaanu ka warramay ujeedada socdaalkooda. “Weftigan aan hogaaminayo waxa soo diray madaxweynaha Somaliland Md.  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), anagoo ah wasiirradii, xildhibaannadii iyo odayaashii deegaanka kasoo jeeday, madaxweynaha anagaa ka codsanay in ciidanka qaranku meesha tago, waxaanu u soconayna waxa weeye iyadoo dawladda Somaliland ka adkaysan kari wayday xaaladda ka jirta deegaanka, isla markaana inay xasilisaa waa xilkeeda.” ayuu  yidhi wasiirka biyuhu.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories