HomeMadaxweyne Obama oo Magacaabay Safiirkii u horeeyey ee Maraykanka u Qaabilsan Soomaaliya...

Madaxweyne Obama oo Magacaabay Safiirkii u horeeyey ee Maraykanka u Qaabilsan Soomaaliya muddo rubuc Qarni ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

katherineMaraykanka oo dib u furaya Safaaraddiisa Muqdisho

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa magacaabay Safiirkii u horeeyey ee dalkaasi ku yeesho Soomaaliya tan wixii ka dambeeyey Burburkii dawladdii Dhexe ee Siyaad Barre sannadkii 1991-kii.

Sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo lagu magacaabo Jen Psaki Salaasadii, madaxweyne Obama waxa uu Safiirka Soomaaliya u magacaabay inay noqoto haweenay lagu magacaabo Katherine S. Dhanani oo hore u ahayd Qunsulka Guud ee Maraykanka u fadhiya magaalada Hyderabad ee waddanka Hindiya.

“Magacaabistan oo taariikhi ahi waxay tusinaysaa xidhiidhka sii qoto-dheeraanaya ee u dhexeeya Maraykanka iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi Afhayeenkan oo intaas ku sii daray. “Waxay magacaabistani ka tarjumaysaa horumarka dadka Soomaalida ahi ka gaadheen inay ka soo kabteen dagaaladii iyo xasilooni-darradii ay tobanaanka sanno ku soo dhex-jireen.”

KatherineAfhayeenka u hadlay wasaarada Khaarajiga Maraykanku waxa uu sheegay in dawladdiisu ka rejaynaysa madaxda iyo dadka Soomaalida inay waajahaan dhammaystirka geeddiga dimuqraadiyadda iyo nabadda oo uu sheegay ku imanayso “Si dalka Soomaaliya u noqdo waddan horumaray oo barwaaqo ah”.

“dawladda Maraykanku waxay diyaar u tahay inay Soomaliya ka caawiso jidkaas ay u marayso horumarka oo aanu saaxiibbo isku-dhow noqonno,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Safiirka Cusub ee dawladda Maraykanku u magacowday Soomaaliya, ayaa hoggaamin doona siyaasadda Maraykanka ee gudaha dalkaas oo wakhtigan laga darawaliyo safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Annaga oo eegayna sida ay xaaladda ammaanku noogu saamaxdo, waxaanu rejaynayaa inaanu kordhinno oo kor u qaadno xidhiidhkagaya dibloomaasiyadeed ee Soomaaliya isla markaana aanu dib u furno safaaradda Maraykanka ee Muqdisho,” sidaas ayuu yidhi Sarkaalkan u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Haweenayda loo magacaabay Safiirka Cusub ee Maraykanka u qaabilsanaan doona xidhiidhka dibloomasiyadeed iyo danaha Soomaaliya, ayaa hor uga soo shaqaysay isla markaana ahay Qulka Guud ee Maraykanka u fadhiya magaaalda Hydrebad ee waddanka Hindiya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories