HomeMadaxweyne Obama oo kulan la yeeshay Boqorka Cusub ee Sucuudiga iyo Qodobbo...

Madaxweyne Obama oo kulan la yeeshay Boqorka Cusub ee Sucuudiga iyo Qodobbo ay ka-wada-hadleen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Riyadh (SLpost)- Madaxweynaha Dalka Maraykanka Barack Obama, ayaa maanta gaadhay xarunta dalka Sucuudiga ee Riyadh, halkaas oo uu kulan kula qaatay Boqorka Cusub ee Sucuudiga Boqor Salman bin Cabdul-casiis oo dhawaan loo cumaaday talada Boqortooyada Sucuudiga, kaddib markii uu todobaadkii hore geeriyooday boqorkii hore Alle ha u naxariistee Boqor Cabdalla bin Cabdulcasiis.

Madaxweyne Obama oo safar dhowr maalmood qaatay ku joogay dalka Hindiya oo uu wakhtigiisa soo gaabiyey isaga oo ay u qorshaysnayd inuu dhismaha loo dal-xiis tago ee Taj Mahal ee Woqooyiga Hindiya, ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Sucuudiga, waxaana socdaalkiisa ku wehelinaya wefti wefti ka kooban 30 xubnood oo ay ku masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xoghayeyaashii hore ee Gaashana-dhigga iyo Arrimaha Dibadda James Baker iyo Condoleezza Rice.

Obama_Saudi Arabia (2)Waxa kale oo Weftiga Madaxweynaha ka mid ah Agaasimaha hay’adda Sirdoonka Maraykanka John Brennan, Guddoomiyaha guddi-hoosaadka Hubka ee Aqalka Odayaasha Maraykanak John McCain, La-taliye hore oo qaabilsan xagga Ammaanka kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga, Brent Scowcroft.

Boqorka Cusub ee Sucuudiga Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis, ayaa khudbadii u horeysay ee jeediyey kaddib markii uu xilka la wareegay waxa uu shaaciyey inaanu ka leexan doonin siyaasaddii uu hore ugu jeexay hoggaaminta dalkaas boqorkii hore ee geeriyooday Boqor Cabdalla bin Cabdulcasiis oo siyaasad furfuran oo reer Galbeedku soo dhaweeyeen kula macaamilay dunida. Waxaana la filayaa in madaxweyne Obama iyo boqor Salmaan arrimahan ka wada-hadleen.

Obama_Saudi Arabia (1)Waddanka Sucuudiga ayaa ka mid ah dalalka ugu muhiimsan Bariga Dhexe ee ay xulufada yihiin dalka Maraykanka. Waxaanu waddanku Sucuudiga xilligan ka tirsan yahay Is-bahaysiga Maraykanku hoggaaminayo ee ka kooban reer Galbeedka iyo dalalka Carbeed ee diyaaradahoodu weerarrada xagga Cirka ah ku hayaan Deegaannada Kooxda Islaamiga ah ee ISIS ka haysato dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Haseyeeshee, waxa xidhiidhka ka dhexeeya Washington iyo Riyaadh xiisad ka dhex-abuuray siyaasadda Maraykanka ee ku wejahan dalka Suuriya iyo dibloomasiyaddiisa ku wejahan wada-xaajoodka hubka Nukliyeerka ee dalka Iran oo walaac badan ku haysa boqortooyada Sucuudiga oo loolan adagi ka dhexeeyo.

Waddanka Sucuudiga iyo intooda badan dalalka Carabta, ayaa doonaya in xukunka laga tuuro madaxweynaha dalka Suuriya. Haddana in kasta oo ay taageersan yihiin is-bahaysiga Maraykanku hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda IS, waxay rumaysan yihiin inaan laga guulaysan karin Kooxda Islaamiyiinta ah inta uu madaxweynaha Suuriya kursiga ku fadhiyo.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories