HomeMadaxweyne, Naga Qabo Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Hoggaanka Hawl-gelinta

Madaxweyne, Naga Qabo Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Hoggaanka Hawl-gelinta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Waxay ahayd 15kii May sannadkii 2012ka markii ay shaqaaqo ka dhacday dhul ku yaalla meel u dhow Xerada Soodaanta ee Bariga Hargeysa, halkaas oo iska hor imaad dhimasho sababay uu ku dhex maray Ciidanka Qaranka iyo dad shacab ah. Markii falku dhacay waxa la bilaabay tallaabooyin xiisadda lagu dejinayo oo ay hormood ka ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo madax-dhaqameedka beelaha Habar Yoonis. Waxyaabaha la isku af-gartay waxa ka mid ahaa:

  1. In la bixiyo magtii dadka ku dhintay shaqaaqada
  2. In la sii daayo dhammaan maxaabiista xabsiga loo taxaabay
  3. In dadka shacabka ah loo celiyo dhulkoodii oo aanay taako ka maqnayn, lagana qaado xayiraadda
  4. Dawladda oo la wareegtay hubkii gacanta lagu dhigay

 

Haddaba sida ay xukuumaddu sheeganayso waxa xayiraaddii laga qaaday dhulkii muranku ka dhashay ee dadka rayidka ahi lahaayeen, laakiin illaa hadda ballan-qaadkaasi uma fulin sidii madaxweynuhu go’aamiyay. Waxaana caqabad ku noqday saraakiisha ciidanka qaranka oo ay hormood ka yihiin Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Shaqaal iyo Hoggaanka Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

 

Labadan sarkaal waxa ay si badheedh ah ula wareegeen qayb ka mid ah beerihiii ay lahaayeen reer Nuur Diiriye iyo reer Geelle oo aanu raas ahaan leennahay, waxaanay ku wareejiyeen ood iyagoo noo diiday in aanu dhulkayagii u maamulanno sida sharcigu noo fasaxay. Inagoo ogeyn shaqaaqada ka dhacday dhulka isla markaana uu Taliyaha Ciidanku qaranku hore ugu takri-falay dhulal ku yaalla meelo ay ka mid tahay xaafadda Masallaha ee Hargeysa ayuu maantana doonaa in xaalado uu ka huriyo halkii ay musiibadu uga dhacday. Ma aha wax aanu liqi karno in awood ciidan lagula wareego hantida aanu qoys ahaan leennahay.

 

Waxaanu Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumaddiisa u sheegaynnaa in dhulkii xayiraadda laga qaaday in ay haystaan Taliyaha iyo Hoggaanka Ciidanka Qaranka, waxaanay doonayaan in ay dhacdo dhibaato la mid ah tii hore beertayada uga dhacday ee la xalliyay. Waxaanu Madaxweynaha iyo Xukuumadda ugu baaqaynnaa in si dhakhso ah wax looga qabto falalka ay ku kacayaan Masuuliyiinta Ciidanka Qaranku oo sababi karo waxyeello aan loo baahnayn.

 

Ugu dambayntii waxaanu leennahay Madaxweyne adiga oo hore noogu xaqiijiyay in aad xayiraaddii ka qaadday dhulkayaga, uma aragno in aanu illaa hadda xor u nahay dhulkayagii. Heshiiskii laga gaadhayna waxa taako hor dhigay Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Hoggaanka Hawl-gelinta. Waxaanu mar kale codsanaynnaa in arrinka si dhakhso loo fara-geliyo, isla markaana la kala gaadho ciidanka qaranka iyo dadka leh dhulka ay xoogga ku haystaan. Waxaanu rejaynaynnaa in aan dhayalsan dhambaalka aanu soo gudbinnay….

 

Annaga oo ah dadkii lahaa beeraha, waxaanu Madaxweyne doonaynnaa in aad arrinkaa dib u eegto welibana waanu ku celcelinaynnaa mar kowaad, mar labaad iyo saddexaad. Qoraalkana waxa naga keenay cadho aanu ka qaadnay dhulkayaga oo ay ooteen ciidanka qaranku. Welibana nabad baanu ku rabnaa, yaan hunguri naloola iman inta la soo cunay dhulkii Galbeedka iyo Masallaha. Yaan dhuuni laga raadin meel mashaqo taallo. Madaxweyne yaanay labadaas sarkaal caqabad ku noqon nabadda aynu wax ku doonayno, yaanay imannin dhibaato la mid ah tii hore u dhacday. Waxaanu doonaynnaa in aad wax ka qabato labadaa sarkaal ee tallaabada gurracan ku kacaya.

 

Xuseen Fallaax Nuur

Hargeysa

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories