HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo xilalka ka qaaday Agaasimihii Baanka Dhexe, guddoomiyeyaal gobol...

Madaxweyne Muuse Biixi oo xilalka ka qaaday Agaasimihii Baanka Dhexe, guddoomiyeyaal gobol iyo Masuuliyiin kale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilalka ka qaaday Agaasimihii Guud ee Bangiga Dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo, Guddoomiyeyaashii hore ee gobollada Hawd iyo Sanaag, Guddoomiyihii Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone-ka iyo xubin ka tirsan Guddiga maamulka Sare ee DP World.

blank
Madaxweynaha Somalialnd, Muuse Biixi Cabdi

Md Muuse Biixi oo maanta soo saaray Wareegtooyin isugu jira xil-ka-qaadis iyo magacaabis, waxa uu digreeto madaxweyne ku magacaabay sagaal masuul oo buuxinaya boosaska masuuliyiinta xilalka laga qaaday iyo xilal hore uga bannaanaa hay’adaha dowladda.

Wareegtada madaxweynaha ayaa u qornayd sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-713/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

  1. Ku: Axmed Cige Maxamed Geeddi;

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hawd

  1. Ku: Axmed Cismaan Xasan Cilmi;

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag

  1. Ku: Axmed Xasan Cabdi Carwo;

Agaasimihii Guud ee Hore ee Baanka Dhexe

  1. Ku: Maxamed Sheekh Faarax Cumar,

Guddoomiyihii Hore ee Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone

  1. Ku: Abiib Xaamud Jibriil,

Xubin Hore Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera

Mudane,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hore ugu hayseen Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

  1. Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
  2. Maxamed Diiriye Xayd Nuur Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh.

3 Maxamed Cilmi Xuseen Axmed Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

  1. Axmed Yaasiin Maxamed Faarax Guddoomiyaha Gobolka Hawd.
  2. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.
  3. Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe.
  4. Siciid Shugri Xuseen Cali Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone.
  5. Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera.
  6. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Xubin Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka.” Sidaas ayay u dhignayd digreetada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories