HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Xil-ka-qaadis, Magacaabis iyo Isku-beddel ku sameeyey Xukuumaddiisa

Madaxweyne Muuse Biixi oo Xil-ka-qaadis, Magacaabis iyo Isku-beddel ku sameeyey Xukuumaddiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-Case) oo 9-kii sannadood ee u dambeeyey xilal kala duwan ka soo qabtay haya’daha xukuumadihii Kulmiye ee isaga kala dambeeyey talada dalka.

 

Sida lagu sheegay wareegto madaxweyne oo lagu shaaciyey xil-ka-qaadista Masuulkan, Isku-beddel iyo Magacaabis uu ku sameeyey hay’ado kale oo xukuumadda ka tirsan, Md Muuse Biixi Cabdi waxa uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta u beddelay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, halka beddelkiisa xilka Waaaradda Qorsheynta loo magacaabay Mubaarik Cabdilaahi Ibraahim inuu noqdo Agaasimaha Guud ee wasaaraddaas.

blank

Wareegtada Madaxweynaha ayaa u qorneyd sidan:-  “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/XKQ/222/1-330/062019, uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

 

Ku: Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case)

       Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha

        Bulshada iyo Qoyska.

 

Og: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

 

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka ee kor ku xusan.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay:               Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Tixgeliyey:        Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

 

Markaan Ka Fiirsaday:       Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan Ku Qancay:       In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

      1)      In Agaasimihii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

      2)      In Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.” Sidaas ayay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu soo saaray.

 

somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories