HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo xil-ka-qaadis iyo Magacaabis ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Madaxweyne Muuse Biixi oo xil-ka-qaadis iyo Magacaabis ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyey qaar ka mid ah masuuliyiinta hay’adaha dowladda.

blank

Wareegtada Madaxweynuhu xilka qaadista iyo magacaabista ku sameeyey oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost.net ayaa u dhignayd sidan: “WAREEGTO MADAXWEYNE 29/07/2019

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-351/072019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Maxamed Daahir Axmed Furre;
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Ku: Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin;
Maareeyihii Hay’adda Waddooyinka

Ku: Cabdi Nuur Sugaal;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal

Ku: Naasir Ayjeex Jaamac;
Agaasimihii Fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS-ka

Ku: Maxamed Abiib Yuusuf;
Agaasimihii Daaweynta iyo Daryeelka ee Komishanka Xakamaynta AIDS-ka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan:

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

UJEEDO : MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
2. Axmed Yuusuf Maxamed Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland
3. Cabdishakhuur Ismaaciil Muumin Aar Agaasimaha Fulinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka
4. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada
5. Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
6. Cawaale Faarax Cilmi Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Awdal
7. Diiriye Cabdi Jaamac Xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka
8. Sahra Maxamed Xuseen Agaasimaha Daaweynta iyo Daryeelka Komishanka Xakamaynta AIDS-ka.” Sidaa ayuu Wareegtadiisa ku yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories