HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Xil-ka-qaadis iyo Magacaabis ku Sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Madaxweyne Muuse Biixi oo Xil-ka-qaadis iyo Magacaabis ku Sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xilalkii ka Qaaday Wasiirradii Wasaaradaha Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta Beeraha, waxaanu beddelkooda u magacaabay masuuliyiin cusub.

Madaxweyne Muuse Biixi Waxa kale oo uu xilalka ka qaaday Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta, Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Qorswheynta Qaranka, Guddoomiyihii iyo guddoome ku-xigeenkii Hay’adda Caymiska Qaranka iyo Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud.

Warsaxaafadeed xambaarsan Wareegto madaxweyne Muuse Biixi maanta soo saaray, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-880/062022 iyo JSL/XM/WM/222-881/062022 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

1. Ku: Cumar Cali Cabdillaahi;
Wasiirkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

2. Ku: Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac;
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

3. Ku: Cabdiraxmaan Cali Cabdi;
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.

4. Ku: Axmed Xasan Nuur;
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

5. Ku: Saleebaan Cawad Cali Bukhaari;
Guddoomiyihii Hay’ada Caymiska Qaranka.

6. Ku: Sahra Aadan Yuusuf;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hay’ada Caymiska Qaranka.

7. Ku: Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hay’adda Dhawrista Tayada.

8. Ku: Axmed Abokor Maxamed;
Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Marwo iyo Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaran.

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne.

Magacaabid.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabay xilalkan:

1. Axmed Aadan Axmed Buuxane Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

2. Cabdiqaadir Iimaan Warsame Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

3. Maxamuud Warsame Jaamac Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta.

4. Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga.

5. Yurub Abiib Cabdi Cumar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

6. Cabdulmajiid Ibraahim Muumin Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

7. Mukhtaar Maxamed Cali Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada.

8. Guuleed Muuse Galaal Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka.

9. Xamse Cabdi Ibraahim Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada.

10. Maxamed Xuseen Axmed Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Caymiska Qaranka.

11. Muuse Jaamac Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

12. Fowsi Maxamed Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

13. Khadar Ibraahim Maxamed Agaasimaha Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada.” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku sheegay wareegtadiisa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories