HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Xadhigga Ka Jaray Mashaariicdii Ugu tirada Badneyd ee...

Madaxweyne Muuse Biixi oo Xadhigga Ka Jaray Mashaariicdii Ugu tirada Badneyd ee Wasaaradda Waxbarashada loo hirgaliyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray 106 dhisme waxbarasho oo isugu jira 100-dugsi, 5 xarumood oo wax Akhris (Library) iyo dhismeyaal kale oo loo bineeyey wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, kuwaas oo dhammaantood laga maalgeliyey miisaaniyadda qaranka ee 2020/21 iyo hay’adaha kale ee qaadhaanka siiya Somaliland.

blankMunaasibadda xadhig-ka-jarista oo lagu qabtay xarunta wasaaradda waxbarashada, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey  masuuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda waxbarashada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, saraakiil sare iyo shaqaale kala duwan oo ka tirsan bahda waxbarashada, iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu faah-faahiyey jidkii wasaaraddu u martay inay dhismayaashaa waxbarasho dalka ka hirgeliso, si loo daboolo baahida waxbarasho ee waddanka ka jirta.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Daah-furay Barnaamijka AQOONJIRE oo ah Barnaamij duruusta manhajka oo duuban lagu shubayo Tablets cadceedda ku shaqeeya, waxbarashadana lagu gaadhsiinayo Ardayda miyiga. Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu daahfuray muuqbaahiyaha waxbarashada (Somaliland Education Channel) oo ay si joogto ah uga baxayso waxbarashada dugsiyada dalku.

blankUgu horrayn wasiirka wasaaradda  wasaaradda waxbarashada, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), wasiir-ku-xigeenka, Mudane Axmed Xasan Nuur iyo agaasimaha guud, Mudane Axmed Abokor oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa si qoto dheer u sharraxay muhiimadda ay leedahay in ballaadhin iyo casriyeyn lagu sameeyo dugsiyada waxbarashada ee ay wasaaraddu gacanta ku hayso iyo tayeynta waxbrashada iyada oo laga duulayo siyaasadda qaranka ee waxbarashada lagu gaadhsiinayo dhammaanba ubadka yar yar ee reer Somaliland.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhig-ka-jarista dhismeyaasha iyo mashaariicda kala duwan ee wasaaraddu hirgelisay kaddib, waxa uu halkaas ka jeediyey khudbad ballaadhan oo salka ku haysa muhiimadda waxbarashadu leedahay iyo sida loogu baahan yahay inay waxbarashadu horseed ka noqoto in la curiyo afkaar cusub oo horumar horseedi kara.

blankMadaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in wasaaradda waxbarashada looga baahan yahay inay dadka indhaha u furto, wacyiga bulshada, isku-duubnida iyo wax qabsashada shacabkana kor u qaaddo, “Wasaaradda waxbarashada waxa looga fadhiyaa in da’yarta ay gacanta ku hayaan inay abuurto inuu dadkeennu wax qabsado, ku gaadhi maynno horumar hay’adoow noo soo gurmada, waxana aan leeyahay ra’yigaas waa inaynu ka baxnaa, mana jiro qof ay gacan kale horumarisay, waase lagu caawin karaa. wasaaraddan waxaynu ka doonaynaa inaynu maskaxdeena ku samayno inay noqoto mid wax ikhtiraacda,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

blank

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu ku ammaanay bahda waxbarashada dedaalka ay ugu jiraan inay waxbarashada gaadhsiiyaan meelaha miyiga ah ee magaalooyinka ka fog, si loo badiyo fursadaha ay da’yarta soo koraysaa ku heli karto waxbarasho joogto ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories