HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Wasaarad Cusub soo kordhiyey, Isku-shaandheyn koobanna ku sameeyey...

Madaxweyne Muuse Biixi oo Wasaarad Cusub soo kordhiyey, Isku-shaandheyn koobanna ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta soo saaray wareegto isugu jira Magacaabis, Xil-ka-qaadis iyo Isku-beddel uu ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtada ku shaaciyey aasaaska Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga oo markii hore ka tirsanayd Wasaaradda Horumarinta Deegaanka. Madaxweynuhu waxa uu wareegtada ku sheegay in kaddib markii uu arkay muhiimadda ay Qaranka u leedahay Yagleelista Wasaaradda Horumarinta reer Miyiga uu xilka wasaaraddaas u magacaabay Axmed Aadan Jaamac inuu noqdo Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaas.

blankSida ku xusan Wareegtada Madaxweynaha Jamhuuiyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi waxa uu xilka ka qaaday Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar oo isaguna dhalasho ahaan ka soo jeeda Bariga Gobolka Sanaag.

Ma jirto cid kale oo madaxweynuhu u magacaabay buuxinta booska uu banneeyey masuulkan xilka laga qaaday.

Md Muuse Biixi waxa uu Isku beddel ku sameeyey guddoomiyeyaashii Gobollada Sool iyo Gabiley. Guddoomiyihii Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, waxa uu madaxweynuhu u magacaabay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Gabiley, halka Guddoomiyihii gobolka Gabiley Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye uu u magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories