HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo u dar-daar weriyey Wax-qabadka laga filayo Hoggaanka Cusub...

Madaxweyne Muuse Biixi oo u dar-daar weriyey Wax-qabadka laga filayo Hoggaanka Cusub ee Golaha Deegaanka Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan dardaaran iyo duco ah la qaatay 17-ka xubnood ee golaha deegaanka caasimadda Hargeysa oo ay hoggaaminayaan maayarka iyo ku-xigeenka cusub ee ay maanta iska dhex doorteen.

Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa oo maanta yeeshay fadhigoodii u horreeyey waxa ay maayarka magaalada Hargeysa u doorteen Cabdikariim Axmed Mooge oo ka soo baxay xisbiga Waddani, halka maayar ku-xigeen loo doortay Khadar Axmed Cali oo ka soo baxay Xisbiga UCID, waxaanay 17-ka xildhibaan doorashada hoggaankooda kaddib booqasho ugu tageen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo madaxtooyada ku qaabbilay.

blankMadaxweynaha oo uu wehelinayo madaxweyne-ku-xigeenku, ayaa qaabilay xubnaha golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa oo doortay Maayar iyo ku-xigeen, waxa uu si guud u hambalyeeyey mudaneyaasha cusub ee goleyaasha deegaanka dalka loo doortay, isaga oo si gaar ah u carrabaabay maayarka iyo ku-xigeenka caasimadda Hargeysa ee loo doortay,“Dhammaanba qaranka oo dhan goleyaasha deegaanka ee soo baxay waan hambalyeynayaa, kuwa caasimaddana maaddaama oo aad ii dhawdihiin waan idin hambalyeynayaa, maayarka iyo ku-xigeenka la doortayna waan hambalyeynayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Bixii Cabdi waxa uu si mug leh ula dardaarmay mudaneyaasha cusub ee caasimadda, waxana uu ku adkeeyey inay isku duubnaadaan, kana dheeraadaan wax kasta oo dhexdooda khilaaf gelin kara, waxana uu yidhi,“Sidaa aad u wada socotaan ee quruxda badan oo qalbiga ah baa la idinka rabaa, 17-kiinnaas baa xilkii caasimadda Hargeysa la saaray, dadku way idiin codeeyeen, way idiin soo daaleen, rejo badan bayna idinka qabaan, Ilaahay waxan ka baryayaa inay rejadaasi rumowdo oo idiin dhib yaraato, dardaarankayguna waxa weeye xilkaa idin fuulay waxaad ku gaadhi kartaan guul idinkoo u shaqeeya hab dawladeed, hab midaysan iyo hab xafiis oo aad u wada dhan tihiin, khilaafkiinnuna ha ahaado meelaha doodaha dhexdiinna ah iyo shirarkiinna oo aan dibadda u bixin.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidoo kale xubnaha golaha deegaanka ku bogaadiyey isku-duubnidooda iyo isu-tanaasulka ay muujiyeen, isaga oo ka codsaday inay u midoobaan hawlaha adag ee horyaalla iyo filashada shacabkii soo doortay maskaxdooda ka guuxaysa.

https://www.youtube.com/watch?v=BOP_VBExbTE

Madaxweyne ku xigeenka, wasiirka arrimaha gudaha, gudoomiyaha iyo ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex, xoghayaha gobolka iyo xoghayaha fulinta ee dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa madaxweynaha kulankan ku wehelinayey.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories