HomeMadaxweyne Muuse Biixi Oo Tabobar u soo xidhay Dufcaddii 4-aad Ee Barnaamijka...

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tabobar u soo xidhay Dufcaddii 4-aad Ee Barnaamijka Shaqo Qaran

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa tababar usoo xidhay dufcaddii Afraad ee barbaarta shaqo-qaran, kuwaas oo dhammaystay tababar muddo uga socday akaaddamiyadda carbiska Darar-weyne ee duleedka Waqooyi-bari ee Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka, macallimiinta kulliyadda iyo barbaarta tababarka dhammaysatay, ayaa ugu horrayn salaan ka qaatay cutubyo ciidamada qaranka ah, waxana uu ka qaybgalay gaardis iyo gaaddo-ka-ciyaar heer sare ah oo ay madasha kusoo bandhigeen dhallinyarada maanta qalinjebisay.

Munaasibadda qalinjebinta dufcadda Afraad ee shaqo-qaran, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhallinyarada tacabka badani galay ee maanta tababarka dhammaysatay, iyada oo sidoo kalena lagu dheeraaday muhiimadda uu barnaamijka shaqo qaran oo uu curinteeda lahaa madaxweynaha Jamhuuriyaddu usoo kordhiyey dhallinyarada waxbaratay ee reer Somaliland.

Agaasimaha Barnaamijka shaqo qaran, Mudane Maxamed Xuseen Mu’addinka oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay dedaalkii ay soo mareen dhallinyarada maanta qalinjebisay, tacabka qaranku geliyey iyo sida ay ka maamul ahaan ugu han weyn yihiin inay noqdaan kuwo ka qaybqaata horumarka dalkooda, soona celiya abaalkii qarankoodu gashaday.
Xubno ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta, Waxbarashada, Warfaafinta iyo arrimaha gudaha oo munaasibadda hadallo kala duwan ka jeediyey, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dufcadda Afraad ee barbaarta shaqo qaran, waxana ay da’yarta la carbiyey kula dardaarmeen inay dedaalkooda halkaas kasii wadaan, kana midho dhaliyaan sidii ay u gaadhi lahaayeen hammigooda sare ee ay dalkooda ku horumarinayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dardaaran, dhiirrigelin iyo guubaabo isugu jirta u jeediyey dhallinyarada maanta qalinjebisay, ayaa ugu horrayn hambalyeeyey da’yarta tababarka dhammaysatay, waxana uu ku adkeeyey inay wada-jirkooda iyo isku duubnidooda muhiimad siiyaan, wixii ay barteenna ku dabbaqaan shaqooyinka ay bulshadooda u qaban doonaan ee sugaya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sharraxay faa’iidooyinka dhallinyarada ugu jira tababarka shaqo qaran, isaga oo tilmaamay waxyaabo gaar ah oo ay ka siman yihiin cid kasta oo barnaamijka Shaqo qaran ka aflaxday oo ay kaga duwan yihiin badiba dadka kale, waxana uu yidhi,“Dhammaanba kuwii hore u baxay, kuwa jooga iyo kuwa iman doona ee Shaqo Qaran waxay wadaagaan dhawr qodob oo ah inay marka hore kow u tahay muxuu dalkaygu waajib iigu leeyahay oo aanay ka bilaabin anigu maxaan doonayaa, waana qodob shaqo qaran waxa ay halkan ka barato kow ka ah, waxana ku xiga kala dambaynta (Discipline), meel aan kala dambayn lahaynina waa fowdo iyo qas.”

blank blank blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories