HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Taariikh Lama-ilaawaan ah ku Tilmaamay Xuskii 18-ka ee...

Madaxweyne Muuse Biixi oo Taariikh Lama-ilaawaan ah ku Tilmaamay Xuskii 18-ka ee sannadkan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somaliland ku hambalyeeyey wacdarihii ay ka muujiyeen iyo waddaniyadda ay ku soo bandhigeen dabbaal-deggii munaasibadda 32-guurada maalinta Qaranimada ee 18-ka May.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu si gaar ah hambalyo ugu diray Ciidanka Qaranka Somaliland oo Dhirbaaxo culus ku dhuftay maleeshiyaadka Huwanta ah ee Isku urursaday Laascaanood weerarro dhowr jiho ku qaaday fadhiisimada Ciidanka Qaranka.

“Gole ahaan waxaynu isku raacsanahay xaaladdii lagu maray 18-kii ay ahayd mid ugub ah oo taariikhda geli doonta oo ah in maalintaa aynu dabbaaldegaynaya iyo 16-kii oo ka horreeyey huwanta cadowga ahi ee gobolka Sool dagaallada gardarrada ah ka wadaa soo weerareen si ay u carqaladeeyaan dabbaaldegga Somaliland ee 32-aad,” sidaa ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland oo maanta Shir-guddoominayey Shirka Golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha oo hambalyo u diray Ciidanka Qaranka, waxa uu yidhi, “Waxa aan aad ugu mahadnaqayaa oo taariikhda baal dahab ah ku leh dhammaan ciidamada kala duwan ee qaranka, kuwa militeriga, Asluubta, badda, Booliska, socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Somaliland, kuwa amniga iyo nabadda ilaaliya, dhammaantood ciidamadaas iyo wasaaradahoodu waxay fuliyeen in cadowgii ina soo weeraray ay jebiyaan oo cashar u dhigaan, dalka oo dhanna dabbaaldeggii iyo isu soo bixii uu noqday amni uu far lasoo geli kari waayey cadowgii. Dhammaan shacbiga Somaliland miyi iyo magaalana waxan ku bogaadinayaa inuu qof waliba halkiisa ka muujiyey waddaninnimadisii oo uu isu xilqaamay”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si gaar ah u hambalyeeyey Qurbejoogga, waxaanu yidhi “Dadka Somaliland ee daafaha adduunka jooga meel wal iyo qaarad walba waxay noqotay xafladdii ugu weynayd ee jaaliyadaha reer Somaliland ee dibaddu ku muujiyaan waddaninnimadooda, taas oo ay ku muujiyeen inaanay Somaliland ciyaar ahayn ee ay tahay rabitaan shacab, Somaliland dhismaheeda iyo difaaceeduna yahay rabitaan shacab oo aanu dheel dheel ahayn, qaran ahaan iyo gole ahaanna aad iyo aad baanu ugu mahadnaqaynaa dadka reer Somaliland gudo iyo dibadba.”

Dabbaal-deggii 32-guurada Maalinta Qaraanimada ee 18-ka May, ayaa lagu tilmaamay xuskii ugu ballaadhnaa, waxaanay si aan hore loo arag looga dabbaal-degay 64 magaalo oo ku kala yaalla 33 waddam oo ku yaalla shanta qaaradood ee Africa, Europe, North America, Asia iyo Australia.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, waxa xuska 18-ka May looga dabbaal-degay 33 magaalo oo ku yaalla qaraadda Yurub, 11 magaalo oo Afrika Ku yaalla, 9 magaalo oo Maraykanka ah, 4 magaalo oo Canada ah, 7 magaalo oo qaaradda Eeshiya ah iyo 4 magaalo oo Ku Yaalla Australia.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories