HomeMadaxweyne Muuse Biixi Oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Degmada Sheekh

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Degmada Sheekh

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Sheekh (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa gobolka Togdheer, ayaa maanta si ballaadhan oo aan kala hadh lahayn loogu soo dhaweeyey degmada Sheekh ee gobolka Saaxil.

Kumannaan kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Sheekh oo astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay jihada Bari ee magaalada Sheekh, waxana ay socod dheer kusoo mariyeen jidka dheer ee magaalada dhex mara oo ay hareeraha ka taagnaayeen.

Madaxweynaha qaranka oo Baabuurka kasoo degay, ayaa mastaafo dheer la lugeeyey shacabkii soo dhaweyntiisa waddooyinka u taagnaa oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin madaxweynaha qaranka iyo weftiga uu hormuudka u yahay.

Soo dhaweynta kaddib, waxa madaxweynaha iyo weftigiisa loo gelbiyey goob ay ka jeediyeen hadallo Cuqaal iyo waxgarad kasoo jeeda degmada Saaxil oo ay kamid yihiin, Caaqil Maxamuud Axmed Maxamed Xamaas, Caaqil Nuur Siciid Allaale, Oday Baashe Cabdilaahi Yaasiin, Oday Cabdi Cige Carraale, Ugaas Cabdiraxmaan Xaaji Daahir iyo xildhibaan Caydiid Khayre Xaashi oo halkaas ka hadlay, ayaa hadallo soo dhaweyn iyo mahadnaq ah madasha ka jeediyey, waxana ay bulshada reer Sheekh ugaga mahadnaqeen sida karaamada leh ee ay madaxweynaha qaranka iyo weftiga uu hoggaaminayo usoo dhaweeyeen.

Siyaasi Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo katirsan xisbiga KULMIYE oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer uga hadlay xidhiidhka ma guuraanka ah ee ka dhexeeya xisbiga KULMIYE iyo degmada Sheekh, waxaana uu hoosta ka xarriiqay inaanay weligeed isbeddelaynin taageerada uu xisbigu ku leeyahay degmadan.

Guddoomiyaha degmada Sheekh, Mudane Ismaaciil Xuseen Cali oo kelmedo kooban ka jeediyey kulanka madaxweynaha lagu soo dhaweynayey, ayaa reer sheekh si ballaadhan uga mahadnaqay, waxana uu xukuumadda ugaga mahadnaqay horumarka ay halkaas ka hirgelisay ee dhinacyada nolosha bulshada la xidhiidha.

Maayarka Degmada Berbera iyo guddoomiyaha gobolka Saaxil, ayaa iyaguna bulshada reer Sheekh uga mahadceliyey soo dhaweynta ay madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabileen.
Xildhibaan Xirsi Cabdilaahi Xirsi oo katirsan golaha wakiillada, ayaa isaguna si weyn usoo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana uu bulshada reer Sheekh uga mahadceliyey taageerada aan kala hadhka lahayn ee ay madaxweynaha la garab taagan yihiin.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa dhankiisa reer Sheekh u mahad celiyey, kuna ammaanay midnimada iyo wada-jirka ay kusoo dhaweeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si kal iyo laab ah reer Sheekh ugaga mahadnaqay soo dhaweynta milgaha leh ee ay ku qaabileen, waxana uu sheegay in soo dhaweynta iyo marti-soorkuba yihiin wax ay shacabka degmada Sheekh weligoodba caan ku ahaayeen.

Ugu dambayntii, madaxweynaha qaranku waxa uu xadhigga ka jaray dhisme hool ah oo laga hirgeliyey gudaha dugsiga sare ee hoyga ah ee Sheekh, kaas oo loogu talo galay inay Ardaydu ku galaan Imtaaxaanaadka. Waxaanu madaxweynuhu soo gaadhay Magaalo Xeebeedka Berbera.

blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories