HomeMadaxweyne Muuse Biixi Oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Go'aammadii Shirkii GAR-XAJIS

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Go’aammadii Shirkii GAR-XAJIS

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Hargeysa (SLpost) –  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sharci-darro iyo waxaan la aqbali karin ku sheegay go’aamo ka soo baxay Shir beesha Gar-xajis dhawaan ku qabsatay Magaalada Burco.

Beesha GAR-XAJIS oo dhawaan Shir ku qabsatay Magaalada Burco, ayaa gebogabadii Shirkaasi ka soo saaray go’aamo ay ka mid ahaayeen inaan deegaanadooda ka dhici doonin, haddii aan doorashada Madaxtooyadu ka soo horraynin ta Ururrada siyaasadda.

Laakiin, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta khudbad ka jeediyey Xuska 29 Guurada Aasaaska Ciidammada Booliska oo Hargeysa lagu qabtay, ayaa isagoo daba socda go’aammada ka soo baxay Beesha GAR-XAJIS, wuxuu sheegay in go’aankaasi yahay sharci-darro aan la aqbali karin.

Madaxweynaha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa Dastuurkeenu reebayaa in Xisbi uu ka soo jeedi Gobol gaar ah oo kuma jirto shuruucda doorashada. Ninka Madaxda u ahi waa inuu Qaranka oo dhami u siman yihiin oo uu cod ka doonayaa.”

Madaxweyne Biixi oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay “Waxaan la qaadan karaynin waxyaabaha qaar ee shirarka Beelaha ka soo baxaya, Madax-dhaqameedka waxaynu ku ogayn iyagoo ka shaqeeya nabadda, isku haynta Ummadda, oo kala dhex gala labadii is khilaafa, laakiin Argaggax bay leedahay, Qarankana dhib bay ku tahay, sharcigana waa ka xaaraan, Madax-dhaqameedkana hoos u dhigaysaa (Karaamadooda) in Beeli tidhaahdo haddii waxaas iyo waxaasi dhici waayaan deegaankayaga laga codayn maayo, Ninka deegaankiisa doorashada u diidayaa kuwa kale siduu uga hawl-galayaa, saw maaha deegaan deegaan ha loo kala oodo (Dalka), markaa aad baan uga xumahay in Madax-dhaqameed iyo Waayeel shiray ay waxaas oo kale ka soo baxaan, sharcina maaha.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Madax-dhaqameedkii go’aannada ka soo saaray Shirkii GAR-XAJIS “Waxaan ku waaninayaa Madax-dhaqameedka hawsha weyn ee aad haysaan ee la idinku ixtiraamo ku ekaada oo wax aydaan garanayn ha dar-jiidhina, waayo? Siyaasiyiintu way laacdamayaan, mana colloobaan ee ha ku lu’gu’ina.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasaddu u soo kala horraynayaan sida Guddiga doorashooyinku u dhigaan “Doorashooyinku way inoo qabsoomayaan, siday u dhigaan Guddiga doorashooyinku ayay iskugu xigayaan. Haddii Alle yidhaahdo dhawaan waxa la soo saari doonaa intii ka soo baxday tartankii Madax-taabashada Ururrada iyo saddexda Xisbiba way tartamayaan, waana sharci, ninka ka leexanayaana haddaanu doorasho doonayn ha iska joogo, laakiin Qasab sharciga laguma qaloocin karo..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inaan Qof kursi doonayaa aanu Qaranka ka adkaan karin “Markaynu si dhab ah u wada hadalno, Qaranka nin Kursi doonayaa kama adkaan karo, mana afduubi karo. kuwa jooga ee aan ka mid ahay iyo ka soo socdaba, si sharci ah oo baryo ah oo uu dadka u sheegayo wuxuu wado mooyaane, sidaan doonayo haddii la yeeli waayo way dhacaysaa (Somaliland) laga aqbali maayo..”

Madaxweynuhu wuxuu su’aal geliyey halkay Madax-dhaqameedka GAR-XAJIS ku iloobeen siyaasiyiinta ay isku deegaanka yihiin ee Tartanka Ururrada ku jira, haddii ay deegaankooda u diidaan doorashada Ururrada siyaasadda “Hakay geeyeen kuwa kale ee deegaankooda ah ee tartamaya (U tartamaya Ururrada siyaasadda)….”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Shirka GAR-XAJIS ee ay ka soo baxeen go’aammada uu Madaxweynuhu ka hadlay, ayaa waxa qabtay Madax-dhaqameed inta badan Warbaahinta mariya hadallo ay ku sheegayaan in doorashada Madaxtooyada laga soo horraysiiyo ta Ururrada, mawqifkiisa oo ah ka Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, taasina waata keentay In Madaxweynuhu deedafeeyo go’aammada Shirkii ay Burco ku qabteen.

Somalilandpost.net/Hargeisa Office 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories