HomeMadaxweyne Muuse Biixi Oo Shacabka Reer Somaliland Iyo Bulshada Islaamkaba Ku Hambalyeeyey...

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shacabka Reer Somaliland Iyo Bulshada Islaamkaba Ku Hambalyeeyey Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan.

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey curashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa guud ahaan ummadda Islaamka, gaar ahaanna shacabka Somaliland xasuusiyey inay ka faa’iidaystaan khayraadka bisha Ramadaan, dhexdooda isu naxariistaan oo is caawiyaan, “Ummadda islaamka oo dhan gaar ahaan ummadda Somaliland waxa aan ku hambalyeynayaa curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo haddii Eebbe yidhaahdo berri inoo bilaabmi doonta. Waa bishii cibaadada, waa bishii Qur’aanku soo degay, waana bil barakaysane Ilaahay khayrkeeda ha ina siiyo, wixii shar ahna Alle ha inaga xijaabo. Ummadda waxan xasuusinayaa bisha Ramadaan barakadeeda in sida Diinta islaamku ina fartay in la isu naxariisto, sadaqada la bixiyo, dadka jilicsanna wax la taro, ka wax hayaana waa inuu xasuustaa ka baahan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

blank

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa bulshada Somaliland ku bogaadiyey sida ay qarankooda u dhisteen, isku-duubnida iyo midnimada ay muujiyeen iyo sida ay deriskooda u xaq-dhawreen, isaga oo ku adkeeyey inay sii wadaan dedaalkooda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan hambalyo u dirayaa shacabka Somaliland oo ku ammaanan sida ay qarankooda u dhisteen, ummad adag oo birlab ah oo ku dhawaad Soddon sannadood kaligood is waday iyaga oo aan caalamka wax aqoonsi ah ka haysanin, dalkoodii dhistay, aduunkii si fiican ula dhaqmay, nabadgelyo gudahoodii ka sameeyey, jaararkoodana nabadgelyo kula nool, in badan oo adduunka kamid ahina majeeranayso habka ay u shaqaystaan, shacbigana waxan leeyahay taas halkaas kasii wada.”

Ciidamada kala duwan ee qaranka, ayuu sidoo kale madaxweynuhu si mug leh u ammaanay, isaga oo ku dheeraaday sida xilkasnimada leh ee ay dalkooda iyo dadkoodaba naftooda ugu huraan, “Waxan bogaadin, ammaan iyo qaddarin u dirayaa ciidamada qaranka Somaliland ee kala duwan oo dhammaantood waajibkooda si qarannimo ah u gutay, dalka difaaciddiisa, sugidda amniga, ilaalinta nafta iyo hantida shacbiga Somaliland meel ay joogaanba, iyaga oo  hadh iyo habeen u feejigan, naftoodana u hura, ku Iimaan qaba, kuna caloolsan inay dalkooda naftooda u huraan” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories