HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Shaaciyey inaanu mar Dambe Isu soo Sharrixi doonin...

Madaxweyne Muuse Biixi oo Shaaciyey inaanu mar Dambe Isu soo Sharrixi doonin Guddoomiyenimada Kulmiye

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hageysa (SLpost)- Shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo maalintii 2aad galay, ayaa maanta lagu doortay hoggaanka Sare ee Shanta Sanno ee soo socota hoggaamin doonta, kuwaas oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga.

Guddoomiyaha Xisbiga oo uu isu soo taagay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aanay cidina isla sharraxin, ayaa halkaas loogu doortay Shanta Sanno ee soo socota. Waxa kale oo dib loo doortay guddoomiye ku-xigeennada 1aad, 2aad iyo 3aad oo aanay cidin isla soo sharrixin, kuwaas oo kala wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Axmed Cabdi Dheere iyo Xuseen Aadan Cadde. Booska guddoomiye ku-xigeenka 4aad oo uu iska casilay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo tartankiisa ka tanaasulay, ayaa loo doortay wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershada Maxamuud Maxamed Xasan Sacad (Saajin).

Haddaba, Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey shirka, ayaa ergada uga mahad-celiyey kalsoonida ay u muujiyeen inuu shanta sanno ee soo socota sii hayo xilka guddoomiyaha Xisbiga oo markii labaad loo doortay, waxaanu halkaas ka shaaciyey inaanu mar kale isu soo sharrixi doonin guddoomiyenimada xisbiga marka ay dhammaato shanta sanno ee maanta loo cumaamaday.

Muuqaalka Hoose ka daawo hadalka uu Madaxweynuhu ka jeediyey halkaas.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories