HomeMadaxweyne Muuse Biixi Oo Salaadda Ciidul-fidriga kala qayb-galay Shacabka Caasimadda Hargeysa

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Salaadda Ciidul-fidriga kala qayb-galay Shacabka Caasimadda Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidul-fidriga oo ku beegan maanta oo ay bisha Shuwaal curatay, sannadka 1440-ka taariikhda Hijriyada.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, maamulka gobolka, ayaa kumannaan kamid ah shacabka caasimadda ku dhaqan kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa, waxana uu madaxweynuhu bulshada u jeediyey khudbad ballaadhan oo uu kaga hadlay xaalado kala duwan oo bulshada ku gedaaman.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu khudbaddiisa si gaar ah diiradda ugu saaray dhibaatooyinka bulshada dhexdeeda yaalla ee ay kamidka yihiin dagaallo-beeleeddada soo noqnoqda, shilalka gaadiidka iyo cunista qaadka oo mushkilad weyn ku ah horumarka nololeed ee bulshada iyo ta qarankaba, waxana uu uga digay inay ka waantoobaan dhibaatooyinkaas.

blank

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu bulshada xasuusiyey qiimaha ay nabaddu leedahay, isaga oo usoo jeediyey inay gacmaha isu qabsadaan sidii loosoo qaban lahaa, meelna looga soo wada jeesan lahaa cid kasta oo dil ula kac ah u geysata  qof kale oo muslim ah, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxaynu isku dardaaraynaa oo naftu u baahan tahay waa nabad, nabadduna sidii Ilaahay yidhi waxa kow ka ah in qofka naf islaam ah ku dila gardarro iyo badheedh in dambiilaha lasoo qabto oo la isugu tago oo wixii Ilaahay xukunkiisa u qoondeeyey la mariyo, waxaynnu isku dardaaraynaa dhammaanteen in qofkii qof ku dila camdi iyo kibir inaynnu gacan kusoo wada qabanno oo wixii kitaabkaa Ilaahay inoo soo dejiyey uu ku xukumay aynnu marinno.”

blank

Dhinaca, kale waxa uu madaxweynuhu bulshada ku adkeeyey inay xooggooda maalaan oo aanay cidna gacmaha hoos hoorsan, islamarkaana ay ku kalsoonaadaan cilmigooda, cududdooda iyo caqligooda, una diyaar garoobaan inay noloshooda gacmahooda ku daboolaan oo aanay cid kale ku tiirsanaanin.

Salaadda Ciidul-fidriga kaddib, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xarunta qasriga madaxtooyada ku qaabilay qaybo kamid ah shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo isugu jira dhallinyaro, waayeel, haween iyo carruur, kuwaas oo uu munaasibadda ciidul-fidriga awgeed waqti la qaatay.

blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories