HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo QM Kala Hadlay Qorshe Xeryo loogu samaynayo Qaxootiga...

Madaxweyne Muuse Biixi oo QM Kala Hadlay Qorshe Xeryo loogu samaynayo Qaxootiga ku nool Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil sar-sare oo k atirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR oo maanta soo gaadhay dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa lagu faahfaahiyey arrimaha lagaga hadlay kulanka dhexmaray madaxweyne Muuse Biixi iyo saraakiisha Qaramada Midoobay.

blankWar-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiin sarsare oo ka socda hay’adda qaxoontiga adduunka ee loo soo gaabiyo (UNHCR) oo uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika u qaabilsan Amb. Maxamed Cabdi Affey oo ay wehelinayaan masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay wakiilka hay’adda u qaabilsan dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, Magatte Guisse.

Waxaana kulankaasi  lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo arrimo la xidhiidha qaxoontiga ku sugan Somaliland oo ay xukuumaddu u cadaysay weftiga inay hayaan dad ku dhaw 14,000-kun oo qaxoonti ah kana yimi dalalka gobolka iyo dalal  ka baxsan mandaqada geeska.

blankQodobada kulankaa lagu lafo-gurayna waxa ka mid ahaa xaalada guud ee qaxoontiga ku sugan gudaha Jamhuuriyadda Somaliland sidii loo meelayn lahaa iyo Samaynta xeryo qaxoonti oo lagu hayo dadka ay Somaliland u aqoonsan tahay inay yihiin qaxoonti.

Sidoo kale waxa laga wada hadlay doorka ay hay’adda UNHCR ka qaadan karto yagleelida xeryaha qaxoontiga iyo saamaynta ay yeelankaraan xeryaha qaxoontigu marka loo eego mustaqbalka fog iyo habka ugu haboon ee  loo diyaarin karo ama loona hayn karo qoxoontigaa,  iyadoo lagu dabaqayo aqoon iyo waayo aragnimo.

blankUgu danbayntii waxa la isla gartay in arrintan loo saaro guddi farsamo oo ka kooban labada dhinac oo soo gorfeeya hannaanka ugu wanaagsan ee xal loogu heli karo qaxoontiga.

Waxaana kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Kayd Maxamuud, Gudoomiyaha hay’ada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) iyo Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midooba Dr Maxamed Warsame Ducaale.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostnet

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories