HomeMadaxweyne Muuse Biixi Oo Markii u horeysya Kormeeray Xarumaha Hay'adaha Garsoorka Dalka...

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Markii u horeysya Kormeeray Xarumaha Hay’adaha Garsoorka Dalka iyo natiijadii uga soo baxday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tegay xarumaha maxkamadaha kala duwan ee dalka iyo xeer ilaalinta guud, waxaana uu  u kuurgalay hannaanka ay shaqada garsoor ee ay bulshada u hayaan ka socoto, isaga oo sidoo kale xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyey xarunta maxkamadda sare ee dalka.

maxkamadaha (5)Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, ayaa ugu horrayn waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay xarunta maxkamadda sare, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed iyo garsoorayaasha kala duwan ee maxkamaddaas ka hawlgala, isaga oo xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo loo hirgeliyey maxkamadda sare.

Guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ugu horrayn madaxweynaha siiyey warbixin  la xidhiidha heerarkii kala duwanaa ee ay maxkamadda sare iyo waaxaha kala duwan ee garsoorka qaranku soo mareen, isaga oo si ballaadhan u ammaanay safiirka waddanka Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador David Concar oo madasha gob-joog ku ahaa, isla markaana ay dawladdiisu qayb libaax ka qaadatay dhismaha xarumaha cusub ee maxkamadda sare loo hirgeliyey iyo tababarro kala duwan oo shaqaalaha loo qabtay.

maxkamadaha (4)Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hadal kooban u jeediyey masuuliyiinta iyo shaqaalaha maxkamadda sare, waxaana uu ku ammaanay hawsha adag ee ay qaranka u hayaan, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay caddaalad iyo sinnaan ugu garsooraan bulshada ay adeegga u hayaan, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Bahda garsoorku marxado badan bay soo mareen, nasiib wanaag muddadii aynu distoorkeena samaysannay waxa inoo hirgalay aqoon badan oo xagga dhallinyarada ah oo waliba uu ugu horreeyo dhinaca sharcigu, Jaamacadda Hargeysa iyo jaamacadaha kala ee dalkuba waxa ay soo daayeen aqoon yahan da’yar oo xoog ah, waxaana ay keeneen firfircooni, aqoon cusub, qoraallo, doodo dhinac walba ah, taas oo awood siisay garsoorayaashii hore ee iyagu khibradda  hayey, aqoontiina bartay, waxaana aad ku guulaysateen inaad isla heshaan waayo araggii odayaasha hore iyo firfircoonidii da’da yar iyo  intan dambe hoggaamin wanaagsan oo aad hesheen oo aad dhammaantiin midowdeen.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa si gaar ah u sharraxay muhiimadda uu garsoorku qaranka ugu fadhiyo, “Garsoorka waxa aanu u ognahay inuu yahay mideeyaha dalka, haddaanu garsoor jirina dalku ma midoobayo, waayo qofku caddaalad buu doonayaa caddaalladiina iyagaa haya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu koormeerkiisa shaqo ku tegay xarunta Xeer Ilaalinta guud ee qaranka, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Mudane Xasan Axmed Aadan iyo saraakiisha kale ee xaruntaas ka hawlgala, waxaana uu madaxweyuhu warbixin  ku saabsan habsami-u-socodka hawlaha shaqo ka dhegaystay Xeer Ilaaliyaha guud, isaga oo ku bogaadiyey sida hufan ee ay bulshadooda ugu adeegaan.

Goobaha kale ee uu madaxweynuhu kormeerka shaqo ku tegay, ayaa waxa kamid ah Maxkamadaha rafcaanka, gobolka Maroodijeex iyo midda degmada Hargeysa, waxaana halkaas warbixin ku siiyey masuuliyiinta maxkamadahan oo dhammaantood ku gudo-jirey hal-maalmoodkooda shaqo.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories