HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo magacaabay Wakiilka Somaliland ee Kenya

Madaxweyne Muuse Biixi oo magacaabay Wakiilka Somaliland ee Kenya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxeynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay Wakiilka JSL ee dalka Kenya kaddib markii uu booskaas banneeyey Wakiilkii hore Danjire Baashe Cawil oo madaxweynuhu xil kale u magacaabay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed lagu baahiyey wareegtada madaxweynaha oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland maanta, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xilka Safiirka Somaliland ee Kenya u magacaabay Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye oo ah aqoon yahan in muddo ah ku soo jiray hawlaha ururrada Bulshada Rayidka ah.

blank
madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.jpg

Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey Kenya Danjire Baashe Cawil, ayaa ka cudur-daartay inuu qabto xilka Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay horaantii bishii September ee sannadkan oo madaxweynuhu isku-shaandheyn sal-ballaadhan ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda.

Dhinaca kale, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa isla maanta xilka ka qaaday Guddoomiye ku-xigeenkii Gobolka Sool Saleebaan Diiriye Cabdi, waxaanu madaxeynuhu xilka guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sool u magacaabay Maxamed Aadan Cumar Maxamed.

Xil ka-qaadista lagu sameeyey Guddoomiye ku-xigeenkii gobolka Sool, ayaa ku soo beegmaysa toddobaad kaddib markii uu madaxweyne Muuse Biixi Isku beddelay guddoomiyihii gobolkaas Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo Guddoomiyihii gobolka Gabiley Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye oo hadda ah Badhasaabka gobolka Sool.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories