HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Aaska Marxuum Cumar Carte Qaalib

Madaxweyne Muuse Biixi oo Magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Aaska Marxuum Cumar Carte Qaalib

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Guddi heer Qaran ah oo uu u xil-saaray qaban-qaabada Aaska Marxuum Cumar Carte Qaalib oo galabta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu fiidnimada Caawa soo saaray, waxa uu magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), kuwaas oo uu u xil-saaray Qaban-qaabada Aas Qaran oo loo maalinta Berri ah loo samaynayo Marxuum Cumar Carte Qaalib.

blank
Madaxweynaha Somaliland

Guddiga heer Qaran ee madaxweynuhu magacaabay, ayaa ka kooban 8 xubnood oo kala ah Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex iyo Duqa Caasimadda Hargeysa

Madaxweynaha ayaa wareegtadiisa oo uu ku socodsiiyey masuuliyiinta kor ku xusan ee uu qaban-qaabada hawshan u magacaabay, waxa uu ku yidhi, “Waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Cumar Carte Qaalib oo ahaa aqoonyahan weyn iyo siyaasi rug-caddaa ah, isla markaana Xilka Madaxweynenimo ee Jamhuuriyadda Somaliland kula loolamay Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal shir-weynihii Boorama 1993, sidoo kale xilal kala duwan oo uu ugu weyn yahay Xilka Ra’iisal Wasaare ka soo qabtay Jamhuuriyaddii duntay ee labada dal ku midoobeen ee Somali Republic.”

“Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay in aad noqotaan Guddiga Diyaarinta Aaska Qaran ee loo samaynayo Marxuum Cumar Carte Qaalib.” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi ku yidhi Wareegatada uu guddiga Qaran ugu magacaabay qaban-qaabada Aaska Marxuum Cumar Carte Qaalib.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories