HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Luuqad Adag Ugu jawaabay Dowladda Soomaaliya iyo Farogelinta...

Madaxweyne Muuse Biixi oo Luuqad Adag Ugu jawaabay Dowladda Soomaaliya iyo Farogelinta madaxdeeda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab waafi ah ka bixiyey hadallo gardarro ah oo kasoo yeedhay ra’isal wasaaraha dawladda aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, kaas oo uu ku naqdiyay maal-gashiga marsada caalamiga ah ee Berbera.

IMG_3121Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyey munaasibadda maalinta haweenka Adduunka ee 8-da bisha March, ayaa isaga oo ka jawaabaya xambaarsan dareenka waddaniyadeed oo ay bulshada reer Somaliland ka muujisay gabbood-falka madaxda maamulka Muqdisho kusoo qaadeen  maal-gelinta marsada Berbera iyo heshiiska xukuumaddu la gashay shirkadda DP World, waxa uu si mug leh uga sheekeeyey dabinnadii iyo turaan-turrooyinkii siyaasadeed iyo kuwii dhaqaale ee Soomaaliya weligeedba lasoo garab taagnayd shacabka ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo hadalka Ra’isal wasaare  Xasan Cali Khayrre ku tilmaamay mid arrintaas marag u ah, waxaana uu yidhi, “Maalmahanba geeska Afrika, waxa ka socday xiisad cusub oo ay abuurtay dawladda Muqdisho ka dhisani, heshiiskii ay la gashay Somaliland, dawlaha Imaaraadka iyo Itoobiya ee Baayac-mushtar iyo dhaqaale, waxa kasoo baxay arrintii huursanayd ee dadka inta badani aanay hore u ogayn ee ahaa dawladaha Muqdisho ka dhashay, laga soo bilaabo tii Aadan Cadde ilaa taa maanta ee Farmaajo, Caqliga iyo farsafadda ay qabaan, sida ay u hindisoonayaan, halka ay Somaliland marayso, sida la isu maan-dhaafsan yahay, sida aan war la isugu haynin  iyo waxa dhex yaalla iyo inaynaan weli isu dhaweyn oo la is maan-dhaafsan yahay  iyo inaan warba la isu haynin, waxa inoo sheegay wiilka (ra’isal wasaaraha) dhallinyarada ee reer Norway ee ka taliya ee Ra’isal wasaaraha ahi wixii uu ku dhawaaqay maalintii dhaweyd.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana mid mid u xusay dhibaatooyinkii taariikhiga ahaa ee ay Somaliland kala kulantay dhiggeeda Soomaaliya, waxa uu yidhi, “Waxan leeyahay war–laawe wiil yar baad tahay, kaskaa baad hadashay, arrintaas aad maanta ka hadashay, cadaawadda aad muujisay iyo waxa aad ku dhawaaqday ee aad tidhi Berbera anaa xukuma, heshiisna lalama geli karo, waxaan leeyahay Allah go’uhu muxuu been sheegay, intii aanad adigu dhalan ee Aabayaasha iyo Awoowayaasha jireena wixii dhacay maad ogayd, laguuman sheegin. Waa taladii Baarlamaankii joogay  markii labada dal la isku daray caqligii uu ku yidhi Berberi waa deked yare maraakiibtu Muqdisho ha timaaddo, waa tii uu Aadan-cadde ku saxeexay ee uu ku yidhi, haddii aad noo timaadeen gobollada Waqooyi-yow Caasimaddii annagaa leh, Ra’isal wasaaraha annagaa leh, Labada Taliye-ciidan annagaa leh, guddoomiyaha Baarlamaanka annagaa leh, safiirradana annagaa wada leh, wasiirrada laba mid qaata, waana halkii uu ka curtay saluuggii koowaad.”

IMG_3116Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu sidoo kale carrabka ku ballaadhiyey xasuuqii iyo gumaadkii uu taliskii Soomaaliya ee Militeriga ahaa ka geystay Somaliland, waxaana uu sheegay in xornimada iyo gobonnimada Somaliland ku timi dhiig iyo naf-hurnimo, waqtiganna ay gacanta shacabkii naftooda huray ku jirto,  “War ma haysid waxa tan loosoo maray, umadda Somaliland-na dacar bay ku kicisay weedhaadii inankow, wixii dumay iyo wixii dhintay, umad dhan, magaalooyin dhan oo la rogay, dadkii dagaalladaas ku dhintayna jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa waxa ay ku qiyaastay 50,000(konton kun) oo qof, xoollo, qoraal, hanti iyo keyd wixii ay umaddani lahayd baa la waayey, xorriyadda iyo saxeexa ay Somaliland dawladaha la gashay sheeko-barolley, hadal iyo baryo’e dhiigga la huray bay ku timi, maantana tii baa lagu hayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Hadalka ilaaqda xambaarsan ee kasoo yeedhay ra’isal wasaaraha Soomaaliya, ayuu madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ku tilmaamay iclaamin dagaal iyo gardarro, waxaana uu si cad u sheegay inay shacabka reer Somaliland iyaga oo isku duuban diyaar u yihiin inay ka fal-celiyaan gardarradaas, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dhayal, faan-faan iyo raalli-gelin siyaasadeed bay kaa ahayd, laakiin Ladh iyo dacar iyo wixii nasoo gaadhay bay kicisay, maantana colaad horleh iyo dagaal baad abuurtay, waxaana aanu u qaadanaynaa inaad dagaal cad (Declaration of war) kusoo qaadday Somaliland, diyaarna waanu kuu nahay. Xorriyadda Somaliland-na kaftan ma gasho, annaana Berbera xukuma, noolaan maysid, horumar samayn maysid, cidna lama hadli kartid, sidee baad noogu quudhay, laakin war baadan haynin, maantana iclaan dagaal baad qaaddaye guddoon, heshiiskaasina wuu hirgelayaa, Berbera-na caalamka oo dhan baa isugu imanaaya, ninna marti ugama nihin, dalkii aanu naftayada u hurnayna waanu ka baayac-mushtaraynaynaa, kulana heshiis gelaynaa, faankaaga iyo kelmedaha aad tidhina wixii aad ka qaaddo ee aan xumaan ahayn baanu kaa eegaynaa.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Somaliland oo isku dhan oo isku duubani go’aan ku gaadhay inay dib ula soo noqoto xorriyaddeedii fool-habowday, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen qoor-weyntii iyo talo-qabeenkii hormoodka u ahaa bulshada ku dhaqan geyiga Somaliland oo aan cidi ka maqnayni, “War ma haysaan innamada Koonfur ka taliyow, waxanse idinku soo koobayaa dhaabbaddii iyo Axdigii raggii dalka u dhintay iyo kuwa nooli wada galeen iyo heshiiskii ay ku wada-galeen inay xorriyadda Somaliland tahay lama-taabtaan, nin aan I qaddarinna aanan qaddarin oo uu qasab igu qaddariyo aniga oo aan u yeedhini waxa ay ku jirtaa Gabayga Hadraawi ee Gud-gude ee uu lahaa, “waxa inan Rag igu guul-guulayaa tiisa gaarka ahe.” Caalamka oo dhan, kuwa nala jaarka ah iyo kuwa kaleba waxaana u sheegayaa inay Somaliland tahay qaran xor ah oo ay Burco ku guddoon satay inay qaran xor ah noqoto ee ay Somaliland oo dhammi u dhammayd iyo guurtidii aan SNM ahayn ee kasoo qayb-gashay ee saxeexoodii caalamka yaallo waxa ugu horreeyey ee go’aamiyey in qarannimadii Somaliland ee 1960-kii dib loo soo celiyo Garaad Cabdiqani Garaad Garaad Maxamed, Suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamed, Sheekh Xasan Saalax oo hadda ah la-taliyaha suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Axmed Sheekh Xasan, Suldaan, Maxamed Jaamac, Sheekh Muuse Goodaad, Xasan Cumar Samatar. 17-kii Oday ee saxeexay in gobonnimadii Somaliland dib loosoo celiyo ee golihii dhexe ee SNM-na  ku raacay,  10-ka mid ahi waxa ay ahaayeen kuwii aan SNM-ta ahayn ee darafyada ahaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hambalyeeyey, heshiiskii uu Prof. Cali Khaliif Galaydh la galay Somaliland, shirka deegaanka Xidh-xidh ka socda ee Somaliland lagu taageerayo ee uu hoggaaminayo Garaad Jaamac iyo shirkii hore uga dhacay deegaanka Awr-boogays, waxaana uu tilmaamay inay Somaliland isku duuban tahay, isla markaana aan dhexdooda  cadow ka faa’iidaysan Karin.


https://youtu.be/T98xIAhiWJg

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories