HomeMadaxweyne Muuse Biixi Oo Lagu Canaantay Sida Uu Uga Hadlay Dagaal Beeleed...

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Lagu Canaantay Sida Uu Uga Hadlay Dagaal Beeleed Dhiig Badan Ku Daatay Oo Ka Qarxay Gobolka SOOL

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Siyaasadda Somaliland qaarkood iyo Madax-dhaqameedka Dalka, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku canaantay sida uu uga hadlay Dagaal beeleed dhiig badan ku daatay oo Khamiistii iyo Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Holhol oo ka tirsan Degmada Xuddun ee Gobolka Sool.

Dagaalka labada Beelood oo ka dhacay deegaanka lagu Magacaabo Dhabar-dalool oo Holhol ka mid ah, ayaa waxa ku dhintay Dad tiradooda lagu sheegay 27 Qof, halka dhaawac badanina jiro, laakiin Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo habeen hore War-saxaafadeed ka soo saaray dagaalkaasi, ayaa baaq nabadeed u diray labada Beelood dagaalku ka dhex Qarxay.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

Hase-ahaatee, Xubno ka mid ah Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Madax-dhaqameedka dalka qaarkood oo si gaar gaar ah Warbaahinta ula hadlay, ayaa Madaxweynaha ku canaantay sida uu dagaalkaa uga hadlay, iyagoo sheegay inaan la joogin xilligii laga hadli lahaa dagaalka, balse la joogo xilligii la qaadi lahaa Tallaabo lagu kala bedbaadinayo labada Beelood ee dagaalku ka dhex qarxay.

Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Faarax Cabdi oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaanu sugaynay amarka uu Madaxweynuhu ka bixin doono oo ah inuu Ciidan deg-deg ah kala dhex dhigo, bixiyana amarro deg-deg ah, si Dagaalka Deg-deg loogu joojiyo, nasiib-darro ma dhicin taasi, 48 Saacadood ka dib waxa Madaxtooyada ka soo baxday Warqad baaq nabadeed ah, waxay Warqaddaasi ku tusaysaa in Dadka halkaa ku leedaya ee halkaa deggan in aanay Miisaan badan agtooda ku lahayn Xukuumadda Maanta jirta..”

Suldaan Axmed Cismaan (Caddo-gude) oo ah afhayeenka Beelaha Gar-xajis oo ka mid ahaa Madax-dhaqameed diray baaq nabadeed oo ku socda Beelaha Walaalaha ah eek u dagaalamay Sool, ayaa Madaxweynaha ku canaantay siduu colaaddaa uga hadlay.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland sidayadan oo kale ayuu soo fadhiistay waxaanu ku dhawaaqay in labada Beelood ee Walaalaha ahi dagaalka joojiyaan, waxaanu leenahay Madaxweyne lagaama siisanayo arrintaasi oo macquul maaha, Adigoo Qaranka hoggaan u ah, Ciidammadii Qaranka oo dhan haysta inaad sida Oday dhaqameed soo fadhiisato lagaagama baahna, waayo? intani waa intaanu kari karno, isku noqo oo Ciidan xoog leh kala dhex dhig, Qasabna ku kala kaxee,” Sidaas ayaa ayuu yidhi Suldaanku.

@Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories