HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Kulankiisii ugu horreeyey la Yeeshay Xubnaha Golaha Wasiirrada...

Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulankiisii ugu horreeyey la Yeeshay Xubnaha Golaha Wasiirrada Iyo Nuxurka Toddoba Qodob oo Kasoo Baxay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulankiisii ugu horreeyey la qaatay xubnaha golaha wasiirrada ee uu dhawaan ku magacaabay.
Kulankan oo ka dhacay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa waxa shir-guddoominayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana ka qaybgalay 31-xubnood oo kamid ah 32-ka xubnood ee golaha wasiirrada cusubi ka kooban yahay, iyada oo madaxweynuhuna madasha ka sheegay in hiigsiga iyo himilada xukuumadda cusub uu saldhig u yahay ballan-qaadyadii iyo Barnaamijyadii uu xisbigu ku galay doorashadii dhawaan dalka ka qabsoontay iyo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (SNP Two).
FB_IMG_1513426891353Kulankan oo muddo saacado ah qaatay, ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si gaar ah ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay muwaadin-nimada iyo wada-jirka umaddu, isaga oo golaha faray in juhdi iyo dedaal midaysan loo galo sidii bulshada loo midayn lahaa, loogana cidhib-tiri lahaa xanaftii ka dhalatay tartankii ololaha doorashada.
Qodobbo Toddoba ah, ayaa ugu dambayntii laga soo saaray kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay xubnaha golaha wasiirrada ee cusub, waxana ay qoddobadaasi u dhignaayeen sidatan:

1.Waxa dhammaan xubnaha golaha wasiirada lagu dhaariyey inay ilaaliyaan sirta golaha iyo ta qarankaba.
2.In golaha wasiirradu ay diiwaangeliyaan dhammaan hantidooda (guurtada iyo ma guurtadaba).
3.In dhammaan golaha wasiirradu ay keenaan xogta shakhsiga ah ee sharcigu waajibiyey ee looga baahan yahay oo dhammaystiran.
4.In la qabto kulanno joogto ah oo la xidhiidha qaabka wada-shaqaynta iyo xoojinta shaqada ay wasiirradu qaranka u hayaan.
5. In dhammaan gobollada dalku ay u sinnaadaan caddaaladda iyo horumarka.
6.Maadaama oo ay wasiirradu yihiin masuuliyiinta qaranka, loona igmaday xil qaran waa inaan loo arkin wasiir qolo, mid qoys iyo mid qabiil toonna, sidaas darteedna ay reebban tahay in wasiirradu ay ka qaybgalaan casuumado beelaysan oo wasiirka ay beeshiisu si goonni ah ugu maamuusayso.
7. In xafladaha xil-wareejinta ee masuuliyiinta cusubi ay xilalka kagala wareegayaan masuuliyiinta xukuumaddii hore ay reeban tahay in lagu qabto meel ka baxsan xarumaha dawladda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories