HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Kulan Mahadnaq ah La Qaatay Wakiillo Kamid ah...

Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulan Mahadnaq ah La Qaatay Wakiillo Kamid ah Guddiyadii Ololaha KULMIYE ee Gobollada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha cusub ee shacabka reer Somaliland dhawaan doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo mahadnaq ah la qaatay wakiillo kamid ah guddiyadii ololaha xisbiga KULMIYE ee gobollada dalka Somaliland.
FB_IMG_1511604243329Kulankan oo xarunta ololaha xisbiga KULMIYE ka qabsoomay maanta, ayuu madaxweynuhu mahadnaq ballaadhan ugu jeediyey guddiyadii ololaha KULMIYE ee gobollada kala duwan ee dalka ka hawlgashay waqtiyadii ololaha doorashada lagu jirey, waxana si weyn u ammaanay doorkii ay guddi ahaan kasoo qaateen hawshaas ballaadhan ee qaranku soo maray.
Xubno ku hadlay magaca guddiyada ololaha xisbiga KULMIYE oo halkaas ka hadlay, ayaa si xeel-dheer u sharraxay tallaabooyinkii xisbiga guusha usoo hooyey ee ay qaadeen waqtigii ololaha, waxana ay u mahadceliyeen shacabweynihii reer Somaliland ee codkooda la garab galay xisbiga KULMIYE.
FB_IMG_1511604156662Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulanka uu la qaatay xubnaha guddida ololaha xisbiga oo wakiillo ka ahaa dhammaanba guddiyadii ololaha ee gobollada dalka waxa uu ku bogaadiyey sidii naf-hurnimada lahayd ee ay uga qayb-qaateen guushii xisbiga KULMIYE kasoo hooyey doorashadii madaxweynenimo ee dalka ka qabsoontay, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan sidii xukuumadda cusub ee dhawaan la dhisi doono, xisbiga iyo shacabkuba u wada yeelan lahaayeen xidhiidh fiican oo joogto ah.
FB_IMG_1511604207338Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu si degdeg ah u hirgelin doono ballamihii ay guddi ahaan iyaga oo ka wakiillo ka ah murrashaxiinta xisbiga u gudbiyeen shacabka, isla markaana uu caddaalad iyo sinnaan guud ahaanba shacabka reer Somaliland.
Sidoo kale waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xubnaha wakiillada ka ah guddiyada ololaha xisbiga u sheegay inaanu marnaba talada ka goosan doonin xisbigiisa KULMIYE, isla markaana wixii talo iyo tusaaleba ah mar walba uga marti yahay.

FB_IMG_1511604228645

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories