HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo kulan la Qaatay Wufuud Ka Kala Socota Qaramada...

Madaxweyne Muuse Biixi oo kulan la Qaatay Wufuud Ka Kala Socota Qaramada Midoobay iyo Urur-goboleedka IGAD

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa -(SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay wufuud ballaadhan oo ka  kala socota Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo urur-goboleedka IGAD.

Wufuuddan oo ay kala hoggaaminayaan  ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee  qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Raisedon Zenenge iyo Ergeyga urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaaliya Amb Mohamed Ali Guyo,  ayaa kulanka ay madaxweynaha la qaateen waxa ku wehelinayey guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, guddoomiye-ku-xigeenka golaha guurtida, Mudane Siciid Jaamac Cali iyo wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxaana diiradda lagu saarayo arrimo door ah salka ku haya sidii loo dhawri lahaa deggenaanshaha deegaanka TUKARAQ ee  bariga Somaliland oo uu dhawaan ka dhacay iska hor-imaad u dhexeeya Ciidamo ka socda Soomaaliya iyo ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa markii kulankaasi dhammaaday waxa uu faah-faahiyey waxyaabihii sida gaarka ah loogaga dooday, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha iyo weftigu si gaar ah uga wada-hadleen sidii loosii xoojin lahaa xidhiidha ka dhexeeya Somaliland, qaramada midoobay iyo weliba urur-goboleedka IGAD, iyada oo si gaar ah loogu dheeraaday muhiimadda ay leedahay nabad buuxda oo ka islaaxda deegaanka TUKARAQ, waxaana isaga oo arrimahaas sharraxaya uu yidhi, “Madaxweynaha iyo wefdigu waxa ay ka wada-hadleen ammuuro badan oo la xidhiidha cilaaqaadka labada geesood oo ay kamid tahay xaaladda TUKA-RAQ sidii loo maarayn lahaa, sidii arrinkaas xal looga gaadhi lahaana qodobbo dhawr ah ayaa la isla taataabtay, kuwaas oo ay kamid tahay in xabbad-joojin la sameeyo marka hore, in maxaabiista la isu celiyo iyo in hay’adaha samo-falka ah loo ogollaado inay gargaar fidiyaan, wax badanna waa la isla qaatay, waxaana aan rajaynaynaa in geeddi-socodka wada-hadalkaas guul laga gaadhi doono insha Allah.”

https://youtu.be/Y8M0TVod3ks

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories