HomeMadaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Safiirrada Somaliland U Fadhiya Caalamka

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Safiirrada Somaliland U Fadhiya Caalamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Kulan la qaatay Safiirrada Somaliland u fadhiya dalalka Caalamka oo maalmihii u dambeeyey duruus ku saabsan diblomaasiyadda iyo kor-uqaadista qaddiyadda uga socday.

War-saxaafadeed k a soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu faahfaahiyey arrimaha madaxweynuhu kala hadlay danjireyaasha Somaliland ee dalalka Dibadda.

blankWarka ka soo baxay madaxtooyada, waxa lagu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 27/02/2022 qasriga madaxtooyada, kulan kula qaatay labaatan (20) safiir oo ka mid ah safiirada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalalka dibeda oo maalmihii u danbeeyey uu tababar uga socday magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd xog-waran guud oo la xidhiidha hawlaha qaran ee ay ugu magacaaban yihiin, sidii loo dardar-gelin lahaa korna loogu qaadi lahaa arrimaha qarannimada Somaliland, ayaa waxa madaxweynaha warbixin guud ka siiyey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Mudane Ciise Keyd Maxamuud oo ay wehelinayaan wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Mudane Maxamed Cabdilaahi Ducaale.

Waxaanu madaxweynaha Qaranka Somaliland safiirada kula dardaarmay inay xoojiyaan dedaalka iyo shaqada ay qaranka u hayaan, dareensanaadaana inay wakiilo u yihiin shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay magacooda xambaarsan yihiin kuna metelaan dalalka ay joogaan, ogsoonaadaana in la joogo wakhtigii qarankani caalamka ka heli lahaa waxa ay ka mudan yihiin oo ah ictiraaf buuxa, tahayna in ay ka shaqeeyaan dedaalkaasi, iyagoo garab iyo gashaanba ka helaya dawladda iyo shacbiga Somaliland ee dibeda iyo gudahaba.

Ugu danbayntiina waxa uu madaxweynuhu wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ku bogaadiyey dedaalka ay gelisay in kulamo noocan oo kale ahi u qabsoomaan wakiiladda Somaliland ee dalalka dibeda, iyo khabiiradii siiyay tababarka la xidhiidha shaqooyinka ay qaranka u hayaan.”

Danjireyaasha Somaliland ee dalalka Dibadda oo horaantii bishan looga yeedhay waddamada ay Qaranka uga wakiilka yihiin, ayaa qaatay aqoon-korodhsi toddobaaddo socday oo kor loogu qaadayo waayo-aragnimada iyo aqoontooda la xidhiidha dublomaasiyadda iyo iib-geynta qadiyadda aqoonsi-raadinta Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostnet

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories