HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Kulan la Qaatay Safiirrada 11 Waddan oo Somaliland...

Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulan la Qaatay Safiirrada 11 Waddan oo Somaliland ka taageera Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta habka maqalka iyo muuqaalka (Video Conference) kulan kula yeeshay 11 sarkaal oo isugu jira safiirada iyo dublomaasiyiinta Safaaradaha beesha Caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyeed ee Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu safiirada iyo diblumaasiyiinta la wadaagay xaaladda guud ee dalka ee dhinacyada horumarka, nabadgelyada, diyaar-garowga doorashooyinka iyo iskaashiga arrimaha mandaqa geeska Afrika.

“Waxa uu madaxweynuhu safiirada u sheegay halka ay marayso geedi socodka arrimaha doorashooyinka qaranka Somaliland ku soo fool leh, isagoo xusay madaxweynuhu in tallaabooyinkii muhiimka u ahaa hirgelinta doorashooyinku ay bilaabmeen, qaarkoodna dhammaadeen. Sida in ay maxkamada dastuuriga ahi ay go’aamisay in ururadu furan yihiin cidii u horaysay ee arrintaa aqbashayna ay ahayd xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo maxkamada ku hambalyeeyey tallaabadaasi,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka madaxtooyada ka soo baxay lagu sheegay in madaxweynuhu Safiirrada uga war-bixiyey khilaafka siyaasadeed ee ka jira Somaliland, waxaana lagu yidhi, “Waxa kale oo madaxweynuhu xusay in markii ay iskood isu casileen komishankii doorashooyinka qaranku uu waraaqo u diray golaha guurtida iyo xisbiga Waddani kagana dalbaday inay sida ugu haboon u soo buuxiyaan xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka, halka xisbiga Ucid uu isagu hore u soo gudbiyey xubintiisa, taasoo ujeedadu ahayd in looga gudbo wejiga xiga, loogana hortago dib u dhac ku yimaada arrimaha doorashooyinka, iyaguna ay si degdeg ah uga soo jawaabeen, sidaana madaxweynuhu ugu gudbiyey golaha wakiilada oo ka gutay waajibaadkoodi shaqo kuna ogolaaday afar xubnood oo u gudbay Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka, halka ay diideen saddex xubnood oo ka mida komishankii cusubaa, dhawaana la dhamaystiri doono. Waxaana xusid mudan in aqlabiyada golaha wakiiladu ay ka soo jeedaan xisbiyada mucaaridka ah, balse ay marwalba ka midaysan yihiin arrimaha Qarannimada iyo jiritaanka Somaliland.”

Waxa uu warku intaas ku daray in Madaxweynuhu Safiirrada beesha Caalamka u ballan-qaaday in la dhamaystirayo saddexda xubnood ee ka dhiman 7-da xubnood ee guddiga Doorashooyinka oo 4 ka mid ah Golaha Wakiilladu ansixiyey.

“Madaxweynuhu waxa uu xusay in si dhakhsaha loo soo dhamaystiri-doono saddexda xubnood ee hadhay ee komishanka, si ay iyagoo dhamaystiran ay u soo bandhigaan nidaamka hirgelinta doorashooyinka, ka xukuumad ahaana ay si buuxda ula shaqayn doonaan si ay inoogu qabsoomaan doorashooyinku,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Safiirada beesha Caalamka ayaa dhankooda ballan-qaaday Somaliland ka taageeri doonaan qabsoomidda doorashooyinka soo socda kaddib marka ay dhammaadan arrimaha sharci ee ka dhiman nidaamka doorashooyinka dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Sida lagu sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada, waxa Madaxweyne Muuse Biixi kulanka ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

Sidoo kale, Safiirrada iyo dublomaasiyiinta Caalamka ee madaxweynaha kulanka la qaatay, ayaa ka kala socday 11 Waddan oo Somaliland ka taageera nidaamka dimuqraadiyadda, waxaanay kala ahaayeen Safiirka Midowga Yurub Tina Intelmann, Safiirka dalka Finland Pirkka Tapiola, Safiirka Faransiiska Aline Kuster Menager, Safiirka Sweden Per Lindgarde, Ku-simaha Safiirka Maraykanka Carla Benini, Ku-simaha Safiirka Norway Haakon Svane, Safiir ku-xigeenka Jarmalka Sascha Kienzle, Safiir ku-xigeenka Holland Laurie Visser, Madaxa Xafiiska diblomasiyeed ee UK ku leedahay Hargeysa Lizzie Walker, Madaxa Wakaaladda Danida ee Hargeysa Mathias Kjaer oo metelayay safaaradda Denmark iyo Robert Bunbury oo ah sarkaalka saddexaad ee u sarreeya Safaaradda dalka Canada ku leedahay Nairobi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories