HomeMadaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan Afuro Iyo Casho Sharaf Ah U Sameeyey...

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan Afuro Iyo Casho Sharaf Ah U Sameeyey Culaamu’diinta Reer Somaliland Oo Isaga Yimid Gobolada Dalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan Afur iyo casho isugu jira  xalay u sameeyey culimada waaweyn ee reer Somaliland kuwaas oo isaga kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka.

 

Kulankan uu madaxweynuhu u sameeyey culimada waaweyn ee dalka oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana ujeeddadiisu ahayd sidii ay culimada dalka iyo madaxweynuhu  isu xog-waraysan lahaayeen, ayaa waxa ka qayb-galay hormuudka culimaa’udiinka reer Somaliland, shirguddoonka golaha wakiillada, hoggaanka xisbiyada UCID iyo KULMIYE iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxana si furan la isugu weydaarsaday waanooyin iyo hogo-tusaalayn la xidhiidha sidii xukuumadda iyo culimadu u wada-shaqayn lahaayeen.

blank

Xubno kamid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, Sheekh Cabdirisaaq Albaani iyo culimo kale oo kulanka hadallo ka jeedisay, ayaa si weyn u ammaanay wada-shaqaynta iyo isku-xidhnaanta u dhaxaysa xukuumadda iyo culimada, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in kulamada noocan oo kale ahi ay xoojinayaan isku-duubnida iyo wada-tashiga qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Sheekhul beledka gobolka Awdal, Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar oo hadal dhinacyo badan taabanaya oo waano, waxsheeg iyo wacdi isugu jira kulanka ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday qiimaha nabadda iyo wada-jirka bulshadu leeyahay, waxana uu axsaabta qaranka ku waaniyey inaan la dhaawicin ammaanka iyo isku-duubnida shacabka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Axsaabtu tartankooda ha tartamaan, laakiin dawladnimada yaanay wax yeelin oo yeynaan qalin-daarin, qofkuna isaga oo ra’yigiisa wanaaggiisa u cabbiraya, haddana ka ilaashado nidaamka dawliga ah, waxana ay ahayd waxyaabaha aynnu Koonfur kaga duwanayn, waxannu isku ognahay nabadgelyada inaynu ilaashanno, dalkeenna waxaynu ku joognaa oo aynnu ku dhisannahay waa nabadgelyo, adduunkuna wuxuu inagu ammaanaa nabadgelyada aynnu haysanno.”

blank

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna culimada ugu baaqay inay xukuumadda kala shaqeeyaan kor-u-qaadista wacyiga bulshada, kana qayb-qaataan hirgelinta iyo dhaqangelinta wax kasta oo ay shacabka faa’iido ugu jirto.

 

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo hadal ka jeediyey kulanka uu madaxweynuhu u sameeyey culimada, ayaa ku dheeraaday doorka ay culimadu ku leeyihiin wacyigelinta bulshada iyo kor u qaadista Diinta Islaamka, waxana uu yidhi, “Culimadu kaalin weyn ayey kaga jirtaa wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta anshaxa guud iyo dawladnimada, iyaga oo u xilsaaran barista ubadkeenna, diinta Islaamka iyo guud ahaanba bulshadeenna iyaga oo u xilsaaran barista ubadkeena Diinta Islaamka iyo guud ahaanba bulshadeena inay ku barbaariyaan Diinta kuna wacyigeliyaan, waxana hawsha ugu ballaadhani tahay inay iskeen garab taagaan maalinta ay dhibaato timaaddo.”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka soo gunaanaday, ayaa, ayaa culimada ka codsaday Inay kala shaqeeyaan adkaynta nabadda, ka hortagga fidnooyinka, islamarkaana uu madaxweyne ahaan diyaar u yahay inuu si dhegaha u raariciyo talooyinka ay iyo wanooyinka ay culimadu soo jeediyaan oo ay ugu horrayso dabbaqidda Diinta Islaamku, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,  “Waxan dhigay halkii ay culimada waaweyni dhigeen, dardaarankiinniina waannu qaadannay oo ay kow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayoba dhinaca Diinta laga bilaabo oo Diinta la taageero oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga dalka si wada-jir ah loo ilaaliyo, ciddii khalkhal gelinaysa dalka xilkasta oo ay haysana in gacan bir ah lagu qabto.”

 

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahaado-sharafyo guddoonsiiyey guddi culimo ah oo soo afmeeray diyaarinta iyo isku-dubba-ridka manhaj midaysan oo yeelan doonaan maddarasadaha kala duwan ee ka jira Somaliland.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories