HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo ka qayb-galay xuska 37-guurada Maalinta Shuhadada SNM +...

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka qayb-galay xuska 37-guurada Maalinta Shuhadada SNM + SAWIRRO

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xaflad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo 37-guurada kasoo wareegtay maalinta shuhadada SNM oo sannad walba dalka laga xuso.

Munaasibaddan oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen hormuudka jimciyadda mujaahidiinta SOOYAAL, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal katirsan ciidamada kala duwan ee dalka, qaar kamid ah saraakiishii iyo dagaalyahannadii katirsanaa ururkii SNM, ururro katirsan haweenka qaranka ee Now iyo marti-sharaf kala duwan, waxana halkaas lagu soo bandhigay taariikhdii milgaha lahayd ee shuhadadii ururkii SNM iyo hayaankii dheeraa ee ay usoo mareen in dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu noqdo mid xor ah oo Dimuqraaddi ah.

blankUgu horrayn guddoomiyaha jimciyadda mujaahidiinta SOOYAAL Mudane, Cabdirisaaq Jaamac Xuseen oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay muhiimadda ay leedahay maalinta shuhadada SNM, waxana uu tilmaamay in midhihii mujaahidiintu dhaleen dawladnimo iyo xasillooni buuxda oo ay Somaliland hanatay.

Xubno kala duwan oo ay kamid yihiin guddoomiye-ku-xigeenka jimciyadda SOOYAAL, Mujaahid Yuusuf Maydal Cumar, Xildhibaan hore Mujaahid Axmed Xasan Aadan Waysacadde iyo wasiir-ku-xigeenka wasaaradda horumarinta xannaanada Xoolaha, Marwo Yurub Abiib Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna dhankooda si waafi ah u sharraxay taariikhda ururkii SNM iyo halgankii qadhaadhaa ee lasoo maray, waxana ay tilmaameen in bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogtaba mujaahidiintaas u hayaan xurmo iyo ixtiraam buuxa, abaalkoodiina ay maanka iyo maskaxdaba ku hayaan.

Wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Biyaha, iyo Diinta iyo Awqaafta, Mudane Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) iyo Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani, ayaa iyaguna dhankooda xusay in Taariikhda SNM tahay mid mudan in la xuso halgankii dalka loosoo maray, jiilalka dambena loo gudbiyo wixii lasoo maray dalka iyo halgankii qaranka Somaliland lagu xoreeyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa ugu horrayn u duceeyey mujaahdiintii dhiiggooda, naftooda iyo maalkoodaba u huray qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, loona baahan yahay in taariikhdooda meel walba laga sheego.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay in dagaalkii lagaga hortegay macangeggii Siyaad Barre uu ahaa mid Soomaali oo dhammi ka siman tahay, islamarkaana ay maanta dhammaan dadka Somaliland ku nooli si siman loo dheefsanayo midhihii ay SNM keentay, waxana uu yidhi, “Dadka Somaliland maagaya ee doonaya inay taariikhda lumiyaan ee doonaya inaanay Soomaliland hore u socon oo ay iyadu murantaa had iyo goor waxay yidhaahdaan Beel dhexaa wax wadata, haddana guddoomiyaha maanta ee jimciyadda SOOYAAL ee 1987-kii lugtu go’day ma aha beesha dhexe ee waa nin reer Jig-jiga ah, dagaalkaasna Soomaaliyi way u dhammayd.”

Madaxweynuhu waxa uu soo jeediyey in shacabka loo baahan yahay inay dalkooda dib u dhistaan, mustaqbalkoodana ku dhaabadeeyaan taariikhdii shuhadada iyo halgamayaashii xorriyadda keenay, “Waxa inala gudboon inaynu ku talogalno wixii dhacay kasoo kabashadooda iyo horumarka mustaqbalkeenna inaynu ku dhisno dhiigga shuhadada faraha badan ee taariikhda dheer leh ee dalkan usoo halgantay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories